Abwaan Cawaale Deeqsi Oo Ka Mid Ah Hal-Abuurada Somaliland Oo Magaalada Hargeysa Ku Soo Bandhigey Qaar Ka Mid Ah Suugaantiisa Uu Hal-Abuurey

0
101

3Hargeysa(Waaheen )Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan (Cawaale Deeqsi) oo ka mid ah Hal-Abuurada Somaliland oo ah Abwaan aad u da”yar isla markaana ka mid ah Ardayda Wax ka barata Jaamacada Golis Ee Caasimada Hargeysa ayaa Habeenkii xaley Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ku soo Bandhigey Qaar ka mid ah Suugaantiisa,

 

Munaasibadan Bandhig Suugaaneedka Cawaale Deeqsi ayaa waxaa ka soo qayb galey Madaxdhaqameed,Culimo awdiin,aqoon yahano,Qorayaal,Suxufiyiin,Ardayda waxka Barata Jaamacadaha kala duwan ee Dalka iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan

 

Bandhig Suugaaneedkan ayaa  Hal ku dhigiisu  ahaa ABWAAN CAWAALE DEEQSI”IYO HAWRAAR MURTI LEH

 

 

Abwaan Cawaale Deeqsi ayaa Munaasibadan ku soo bandhigey Suugaan kala Duwan oo aad u soo jiidatay Bulshadii ka soo qayb gashay

 

Ayaa waxaa Munaasibadan Hadalo Dhiiri galin ah ka jeediyey Abwaan Jaamac Gaashaan Cade oo Abwaan Cawaale ku amaanay Suugaanta kala duwan ee uu soo badhigay isagoo tilmamay in ay aad u soo jeedatay suugaanta iyo Hal-Abuurnimada Abwaan Cawaale Deeqsi.waxaanu yidhi:”waxaa ugu adag laga Gabyaa waa yadda “Afsomaaligeeduba waa wax yar oo kooban”ninka yada ka gabyaa waa Abwaan aan la gaadhi Karin”ayaa uu yidhi Abwaan Jaamac Gaashaan Cade

 

Waxaa isna  Bandhigan ka Hadley Dr.Xujaale  oo Abwaanka ku Bogaadiyey Suugaantan kala Duwan ee uu caawa (Habeen)Hore Daaha ka Rogey

 

Waxaa isna Munaasibadan Hadal Dardaaran iyo Ducaba iskugu jira ka jeediyey Suldaan Abu-Sufyaan  kaasi oo Abwaan Cawaale Deeqsi kula dardaarmay in ay Suugaantiisu ku salaysnaato Maslaxada Diinta islaamka iyo dalkiisa iyo dadkiisaba Suldaan Abu Sufyaan   waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Abwaan Cawaale Deeqsi Ta aanu uga Baahnayn waa Taa in uu noqdo Abwaan iimaan Qaba”Abwaan  leh Dhaqan Toosan”Abwaan illahay Swc ku xidhan”maaha in uu noqdo Abwaan Qabyaalad ku Gabya oo dadka kala Qaybiya ”Cawaale Deeqsi waa in uu ahaadaa Abwaan waxaa ka soo baxyaa uu ku miisaaman yahay Maslaxada Diinta islaamka iyo dalkiisa iyo dadkiisa”Taasaan kula dar-daarmayaa Cawaale Deeqsi “Ayaa uu yidhi.Suldaanku