Shirkadaha Jaadka keena Somaliland oo Itoobiya ugu Hanjabay inay qaadkeeda joojinayaan

0
219

20141130_193217“Ganacsigii Jaadka ee ka dhaxeeyey Somaliland iyo Itoobiya waxa uu qarka u saaran yahay in uu joogsado oo aanu u wareejino Dalka Kiiniya”

“Itoobiya iyadaa Qaadka Dan ku qabta Sannadkii 480 Milyan oo Dollar ayaa u Xarooda itoobiya oo Somaliland ka baxa” Af-hayeenka Shirkaddaha Jaadka
Hargeysa (Waaheen) Madaxda Shirkada Qaadka Keena Somaliland iyo kililka Shanaad ee itoobiya ayaa ku hanjabay in Guud ahaan Qaadka ay ka keenan dalka itoobiya ay Joojin Doonaan isla marka ay u wareegi doonaan Dalka Kiiniya oo ay kala soo daggi doonaan, haddii laga joojin Tacadiyo Farro badan oo ay sheegeen in ay ku hayaan madaxda maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya.
Xasan Faarax Weerar (Xasan farruur) oo ah Af-hayeenka Shirkaddaha Jaadka keena Somaliland oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, isagoo ku hadlayey af-ka mulkiilayaasha shirkadaha Jaadka ayaa Dawladda Itoobiya ugu baaqay inay soo dhex gasho arrintan, isagoo sheegay inay wefti u diri doonaan, halka uu ka xusay inay hore u war-galiyeen cabasho la xidhiidha dhibaatada haysata wasiirka Maaliyadda Itoobiya, kaasoo uu sheegay in uu ka balanqaaday, hase yeeshee aanay muuqan wax talaabo ah oo laga fuliyey codsigoodii.

Af-hayeenka Shirkaddaha Jaadka oo faahfaahinaya carqaladaha is-daba jooga ah ee ay kula kaceen Ismaamulka Kililka shanaad waxa uu yidhi “Shirkan Jaraa’id waxaanu u qabanaynaa in aanu soo bandhigno Dad Ganacsato ah oo Xuquuqdii ay ku lahaayeen Ismaamulka Somalida Itoobiya waayey, marka Sannadkan aanu ku jirno bishii Saddexaad Sagaalkeedii shirkadihii Jaadka Gaynayey Kililka Shanaad ee Itoobiya Dhammaantood waa la joojiyey, waxa la keenay dad kale oo la yidhi waa Qurbajoog oo Jaadkii waa la siiyey, marka Dastuurka Itoobiya ee Ganacsigu waxa uu dhigayaa in Ganacsigu xor yahay oo la Tartamayo Nooca uu doono ganacsigu ha ahaadee, sidaasi awgeed waxay yidhaahdeen Toban Cisho Qaata shirkadihii Qaadka Gayn jiray Kilalka Shanaad dadkii kelana Labbaatanbaanu siinay, runtii taasi arrin fool xun ayey nagu noqotay dhibweynbay-na nagu keentay iyo khasaare Farro baddan. waxay arrintii soo socotaba xallay Kowdii Habeenimo ayaa qaadkii yimid loo kala Dirayey Kilalka Shanaad iyo Qayb (LC) ah oo Somaliland loo Soo dirayey, dabadeeto qaadkii dib baa loo celiyey oo waxa la lumiyey xuquuqdii muwaadinkii ka ganacsanayey dhulka Kililka shanaad oo waxa lagu celiyey qaadkii Kililka Afraad ee Oromiya. markaa Kililka Shanaad waxa uu jabiyey Dastuurkii Dalka Itoobiya ee Ganacsiga Muwaadinka Illaalinayey, waxaana arrintaasi ka danbeeya Maamulka Ismaamulka Somalida Itoobiya.”

Xasan Faruur waxa uu intaas raaciyey isagoo baaq u diray dawladda Federalka Itoobiya waxa uu intaas raaciyey “Marka waxaanu  baaq u diraynaa Xukuumada Dhexe ee Itoobiya oo aanu leenahay Jigjiga waxa lagu Gubay qaadkii Cashuurnaa ee haystay liisanka  Ganacsiga (LC) kaasi oo leh Sharciyadii dalka Itoobiya oo dhan lagu isticmaalayey, xallayna Qaadka la gubay LC buu ahaa, sidaasi awgeed Ganacsigii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Itoobiya waxa uu qarka u saaran yahay in uu joogsado oo Qaadki aanu ka keenaynay Dalka itoobiya aanu u wareejino Dalka Kaniya oo jaadka dalkaasi ka dalbano, haddii aanay dawlada Itoobiya waxba ka qabban waayo Itoobiya iyadaa Qaadka Dan ku qabta Sannadkii 480 Milyan oo Dollar ayaa u Xarooda itoobiya oo Somaliland ka baxa oo waliba Shirkadahayaga qaadku geeyaan. taasi waxa ka darran in Kililka Shanaad uu cashuur Shakhsiyen ah uu nagu soo rogay Shan Degmo, Degmada Damal, Aw-barre, Xarshin, Gaashaamo iyo Daroor, oo Maamulka Kililka Shanaad waxay nagu amreen in Qof suuqa jooga aanu Kiilo kasta oo qaad ah siino Lix Riyaal oo lacagta Itoobiya oo Bilaa Juwan ah anaga oo Bixiina Lacagtii cashuurta ahayd, lama waydiiyo dadka  dhulka kale jaadka geeya, marka Dhulkii Itoobiya ee Xuquuqdiisu u sinaayeen Muwaadiniintu waanu waynay.”Ayuu yidhi Af-hayeenku.

Boqorka Guud Ee Beelaha Gabooye oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah
” waxa la ii doortay xubin ka mid ah sadex iyo toban qof oo shirka laga xulay, waana markii ugu horaysay ee xaruntaas Af-somali lagaga hadlo” Boqor Axmed

Hargeysa(Waaheen)  Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye Boqor Axmed Ugaas Iimaan Warsame Ayaa shalay Dalka Dib ugu soo laabtay Ka dib Markii uu ka Qayb Galay Shir Caalami ah oo ka dhacay Cheneva.

Shirkaas ayaa waxa lagaga hadlayay Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa in xuquuqdooda la siiyo Dadka laga tirada badan yahay.
Boqor Axmed Waxa uu sheegay in Laga dhigay Xubin ka mid ah  13kii Qof ee lagu Doortay Shirka Lagaga hadlay Xuquuqday Ay leeyihiin Dadka Laga Tirada Badan Yahay.
Boqorka oo si diiran Loogu Soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargaysa ayaa Khudbada uu jeediyay ku yidhi “Safarkii Aan U Baxay ee Aan ku gaadhay Jiniifa waxa uu ahaa Shir Loo qabtay Dadka May-nooratiga Aduunka Oo dhan oo cid waliba ku jirtay,Nasiib wanaag Somaliland Aniga ayaa ka tagay,Xamar Dawlada Fadaraalka ah Dumar ayaa Ka yimid,Shirkana waxa Daadihinayay Dr Naasir Maxamed Ciise iyo Rashiid Baaruud,waxa uu ahaa shir Markii ugu Horaysay Caalamka oo dhan Dadka May-nooratiga ah Loo qabto Sidii Xuquuq-dooda Loogaga Hadli Lahaa Sifiicana Shirkaasi Wuu u dhacay.”

Boqor Axmed Ugaas Iimaan Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu raaciyay.”Beesha Aan kasoo jeedo iyo Kuwa Qaarada Africaba waxaan odhan karaa Maanta Caalamka ayay wax la qaybsadaan Markaan Ka hadlayo Geeska Africa Lakiin somaliland oo kaliya Kama hadlayo,dadka May-nooratiga ah Aduunka oo dhan ayay ku Noolyihiin taasna Guul ayaanu kala soo Kulanay,Waxaana la sameeyey Gudi ka Kooban 13 Xubnood,waxaanan Nasiib u helay inaan Xubin Ka noqdo Gudidaas caalamka oo dhan ka kooban.”
Sidoo kale Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye Boqor ugaas Iimaan Warsame waxa uu ka hadlay Waxyaabihii  Uu Kala Kulmay Inta uu Joogay  Shirkaas Ka dhacay Jiniifa ee lagag hadlayay Xaq Dadka May-nooratiga ah ku leeyihiin Bulshada iyo dalka ay joogaan waxaana uu yidhi. “Shirkaas waxa iskugu Timid Boqol iyo Labtaan Dawladood Wakiiladooda,waxa dal walba La hor dhigay oo yaalay Calankooda,Markaan Sidaas arkay Ayaan ana is idhi Somaliland ayaa ka timide Maxaad Adna Dhigtaa Meesha, astaantii Somaliland Ayaan Soo qaaday calanadiina waan Baadhay waxaan ka helay dalka Newseland,Markas intaan Laankii Soo jartay ayaa is hor dhigay Markaas ayay Noqotay Somaliland, 23kaas Sano ee ay jirtay Somaliland Calankeeda mar hor dhigin Qaramada Midoobay,Anigana waxa nasiib wanaag ii ah inaan Hor dhigo Calanka Somaliland.”
Waxa kale oo uu boqorku ka shekeeyey Sida uu uga Hadlay Shirkii Lagaga hadlayay Xuquuqda ay leeyihiin Dadka May-nooragtiga ahi waxaana uu yidhi. “Shirkaas Markaanu Tagnay waxa ay Noo sameeyeen Tareerin Waxaana ay yidhaahdeen Saddexdaas Cisho Ku jira Tareerinkaas waxaana lagaga hadlay Shirkaas Lix Luuqadood, Markaanu Maalintii Shanaad Shirka Kusoo Noqday Ayaan istaagay Markaas Ayaan idhi, Waxaad leedihiin Dadka May-nooratiga ah ayaa Xuquuqdooda Lagu Tumanayaan Ee Anigu waxaan leeyahay idinka Ayaa Ku Tumanaya, Markaas ayuu yidhi Ninkii Cadaanka ahaa Muxuu yidhi Markaas ayay Gabadhi u turjumaanta Markaas ayay tidhi sidaas ayaa uu ku yidhi, Markaas ayay igu yidhaahdeen Maxaad Doonaysaa Markaas Ayaan idhi luuqadayda Ayaan ku hadlayaa, Markaas Guushaas wayn Ayaanu Soo qaadanay Waana Markii Ugu Horaysay Ee Qaramada Midoobay Luuqada Afka Somaliga Lagaga Hadlo” ayuu yidhi
Intaas ka dib Masuuliyiin Badan Oo uu ka Mid yahay Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa Garoonka Diyaarada ee Cigaal  Kusoo dhaweeyey  Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye oo shir Caalami Ah kaga Qayb Galay Jiniifa kaas oo lagaga hadlayay Xuquuqda Dadka May-nooratiga ah.