Askari Reer Jabuuti ah oo basaasnimo ugu xidhan Jeelka Hargeysa oo dhaawacmay

0
100

Waxa jabtay gacan kadib markii Ciidanka Asluubtu garaaceen, isagoo dhawr bilood xukun la’aan u xidhan

Hargeysa(Waaheen) ilo wareedyo u dhuun daloola xabsiga Hargeysa ayaa shaaca ka qaadaya in uu gacan ka jabay maxbuus Reer Jabuuti ah ooh ore u ahaan jiray Askarta Jaan-daaran maariiga kaasoo ay Sirdoonka Somaliland iyo wasiiro Xukuumadda ka tirsani u xidheen hawlo basaasnimo ah oo uu Madaxda Jabuuti u gudbinayey sida uu ku Eedaysan yahay.

Warka maxbuuskan la xidhiidha ayaa sheegaya in Ciidanka Asluubtu gacanta ka jabiyeen, iyadoo aan la garanayn sababta loo jabiyey inay la xidhiidho khilaaf ka dhex dhacay isaga iyo ciidanka iyo in ay tahay talaabo kale oo loogu geystay xabsiga dhexdiisa.

Maxbuuskan Reer Jabuuti oo la yidhaa Muusee Dee Dee Dalka Jabuutina caan ka ahaa oo ka tirsanaan jiray saraakiisha Jaan-daaran maariiga imikana ka shaqayn jiray baanka Jabuuti xaruntiisa Hargeysa (BCIMR) ayey Hay’adda Sirdoonku xidhay iyadoo ku Eedaysay in uu sir u gudbinayey Dalka Jabuuti, hase yeeshee illaa hada wax maxkamad ah lama soo taagi, isagoo Xukun la’aan u xidhan muddo dhawr bilood ah.

Wararka u dhuun daloola askariga Reer Jabuuti ee hawlaha Basaasnimo lagu eedaynayo ayaa sheegaya inay wasiiradda soo xidhay ka cago jiidayaan inay Dacwad ku soo Oogaan, taas bedelkeedana ciidanka baadhista Danbiyada iyo Xeer ilaalintu ba ku xalaalaysanayo sii hayntiisa, halkii ay ka ahayd haddii aan danbi loo hayn in Xorriyadiisa loo celiyo haddii kale na maxkamad la soo taago si Eedaynta loo haysto loogu qanco.

Dhawr jeer ayuu xadhigiisu muddo dhaafay, waxaanu kiiskiisu u muuqdaa mid la siyaasadeeyey oo ay madaxda dacwaynaysaa kaga aar-gudanayso inay Jeelka ku sii hayaan, iyadoo laga filan karo in uu ku muto dhuibaato inta gaadhay ka sii badani.