Madaxweynaha oo qaabiley Safiir ku xigeenka Japan u fadhiya Kenya‏

0
87

Madaxweynaha Jamhuuriyada  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiir ku xigeenka Japan u fadhiya Kenya Deputy Ambassador Mikio Mori, oo dalka boqasho ku yimid.

Madaxweynaha oo Warbixin dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo horumarka ay Somaliland ku talaabsatay 23 kii sanno ee ay jirtay, ayaa weftiga ku dhiirigeliyey inay xidhiidh ganacsi iyo mid dawladeedba la sameeyaan Somaliland.

 

Dhinaca Dawladana waxa madaxweynaha ku wehelinaayey

1.     Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

2.     Wasiirka  Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire

3.     Wasiirka Madaxtooyada Xirsi CalI Xaaji Xasan

4.     Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda Mowlid Ibraahim

5.     Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali

6.     Maxamed Cismaan Agaasimaha la dagaalkan Budhcad Badeeda

Halkan kala bax Codadka Masuuliyiinta