Laan-qayrta cas ee Iceland oo xarunta Agoomaha Hargeysa ka hirgalisay dhismayaal qalabaysan

0
132

Hargeysa(Waaheen) Maamulaha Afrika u qaabilsan Hay’adda Laanqayrta cas ee Iceland Mr: bisha cas1Atli  ayaa toddobaadkii dhawaa furay Laba hool oo waaweyn oo ka kooban 16 qol ah oo ay midkiiba ku noolaanayaan lix iyo toban carruur ah iyo laba waalid oo carruurta yar yar xanaaneeya, kuwaas oo ay Hay’addu dhistay.

Furitaanka xafladdan oo ay ka qayb galeen Madaxda Xarunta Agoomaha Hargeysa iyo Maamulaha mashruuca Laanqayrta Cas ee Afrika ayaa lagaga hadlay mashruucan oo wax weyn ka tari doono mustaqbalka iyo daryeelka Caruurta ku nool xaraunta Agoomaha Hargeysa.

Labada dhinac ayaa ku wareegay qolalka ay ka kooban yihiin dhismayaashan Hay’addu dhistay kuwaas oo qolkiiba ay yaalaan afar sariirood oo is dul saaran, laba qol oo waalidka daryeealaya loogu talogalay iyo qalab kala duwan oo isugu jira qalabka hurdada, karinta, fadhiga iyo Telefishano ay ku madadaashaan.

bisha ca7Mashruucan oo ay madaxda Xarunta Agoomuhu ka dalbadeen Hay’adda Laanqayrta Cas ee Iceland sanadkii 2013-kii ayaa hirgalay sanadkan 2014-ka, waxaanu noqonayaa mashruucii ugu horeeyey ee ka hirgala mashaariic dhawr ah oo ay dawladda Turkiga iyo Hay’adda SOS ka wadaan Xarunta Agoomaha Hargeysa, kuwaas oo iyana dhisaya Sadex Hool oo kale oo Hoy u noqon doona Carruurta.

Hay’adda Laan-qayrta Cas ee Ice-lana ayaa furitaankii xafladda dhismayaashan ka balan qaaday inay dhisme kale oo noocan oo kale ah fulin doonaan, isla markaana ay diyaar u yihiin wax kasta oo looga baahdo inay ku biirin doonaan Xaruntan.

bisha ca7Maareeyaha Hay’adda Ice-land Mr: Atli ayaa xafladda dabadeed qasriga Madaxtooyadda kula kulmay Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo xubin joogto ah ka ah bisha cas, waxaanay Marwo Aamina uga mahadnaqday Deeqda waxtarka leh ee ay Hay’adda Laanqayrta Cas ee Iceland ugu deeqday Xarunta Agoomaha Hargeysa, iyadoo ka dalbatay inay mashaariic kale ugu deeqaan xarunta oo ay sheegtay baahi weyni inay ka jirto.

bisha ca2Mr: Atli oo dhiniciisa ka hadlay kulanka ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta Marwada Madaxweynaha waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dedaalka Xukuumadda Somaliland ugu jirto daryeelka Carruurta Agoomaha ah.

Dawladda Turkiga ayaa iyana ugu deeqday xarunta agoomaha Hargeysa lacag gaadhaysa Milyan iyo afar boqol oo Doolar, lacagtaas oo lagu dhisi doono qayb loogu talo galay in xirfahada gacanta lagu baro Carruurta ku nool Xarunta bisha cas, iyadoo sidoo kale na loogu talo galay in lagu dhiso Garoonka ku yaala dhinaca barri ee xarunta Agoomaha Hargeysa.

bisha cas9