Guddoomiye Cirro oo la kulmay wefti Ingiriis ah

0
64

“Xisbiga Waddani waxa ku soo Biiray Siyaasiyiin Caan ah oo reer Somaliland, markaa inaanu Xisbi Qabiil ahayn markaasay cadaan doontaa” Guddoomiye Cirro

Hargeysa(Waaheen) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka hadlay  kulan uu la yeeshay  Madax ka socotay dawladda Ingiriiska, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha dalka, waxaanay si gaara uga wada hadleen qodobada tabaabushaha doorashada ka qabyada  ah ee dhinaca Somaliland. “Waxaan maanta la kulmay qolo ka socotay Dawladda Ingiriiska, gaar ahaana Wasaaradda arimaha dibada iyo Safaaraddooda Ethiopia, wuxuun bayna iga waraysteen guud ahaan Xaalada dalka, waxa kale oo aanu ka wada hadalay Iskaashiga Dawladda Ingiriiska iyo Somaliland, In Doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto Beesha Caalamkuna way taageersan tahay, Bulshadeenuna way taageersan tahay,waxaanuna ka wada hadalay Arinta Komishanka iyo Xeerka Diwaangalinta ee Guurtida ku maqan. Markaa Komishanka Sabtida ayaa la ansixin doonaa, Xeerkuna waa ka guurtida ku maqan labadaas ayuun baana inaga inagu qabyo ah”Ayuu yidhi Cirro.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay eedeymo Xisbigiisa loo soo jeediyo oo lagu sheego in uu yahay Xisbi Qabiil Gaar ahi leeyahay, waxanu sheegay in Dacayadahaasi ay ka Fiidiyaan Xisbigiisa Warbaahinta Afka Dawlada ku hadasha, waxanu hoosta ka Xariiqay in Xisbiga Waddani yahay Xisbi Qaran isla markaan Wakhtigii uu Ururka uu ahaa Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan uu Kaalinta koowad iyo labbaad uu ka gallay, isla marka waxa uu sheegay in taasi ay cadeynayso in uu Xisbiga Waddani yahay Xisbi Shacabka Somaliland wadda leeyihiin.

Guddoomiye Cirro oo Arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Axsaabta Siyaasada Sidoodaba waxa loo sameeyey in aynu kaga baxno qabyaalada oo Waddani oo kali ah ma ahee Saddexda Xisbi qaran waxa loo soo koobay waa in Qabyaalada aynu kaga baxno, runtii Mabaadiida loo sameeyey ayaa ah kuwaasi,  shuruucda dalkuna waxay dhigayaan in aanu Xisbina ku abtirsan Karin cid gaar ah ama Deegan gaar ah, taasina waxay ku cadeynaysaa in Xisbiga Waddani wakhtigii uu ahaa ururka waxa  uu noqday ururka Qudha ee Degmo kasta oo Somaliland ah Wanka ka gallay ama Namberka Labaad, dee marka Reerkaygu intaas oo dhan ma dego Somaliland oo dhan, marka Xisbiga Waddani shacabkaa soo Saaray, marka wararka Borobogaandhada ah waxa Xisbiga Waddani ka Fiidiya waxa weeyi Telefeshinka Qaranka iyo Wargeyska Dawlaada laakiin waxaan is leeyahay shacabku wuu og yahay, arritnaasi waxa beeninaysa Khamiista, Xisbiga Waddani waxa ku soo Biiray Siyaasiyiin Caan ah oo reer Somaliland oo aan deegan qudha ahayn oo ka tirsanaa Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isla markana xilal muhiim ah ka soo qabtay shacabka Somaliland wadda garanayo.” Ayuu yidhi Cirro.