Diyaaradaha Kenya oo duqeynaya Somaliya, Xukuumadda oo qarka u saaran burbur iyo Guddoomiyaha Midawga Afrika oo ku dhex dawakhday

0
67

Wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland oo usii saqiiraya khilaafka madaxda Somaliya
Muqdisho (Waaheen) )-Wararka ka imanaya Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Diyaaradaha qumaatiga u duula ee Kenya ay duqeymo culus ka geysteen Deegaano hoostaga Gobolka Gedo.
Diyaaradaha ayaa waxa ay duqeynta xoogeeda ka geysteen Deegaanka Godin Dhabe ee Gobolka Gedo, waxaana la Tilmaamayaa in halkaasi ay ku burburiyeen Saldhigyo ay Maleeshiyada Alshabaab ku lahaayen.
Dhanka kale mid kamid ah Dadka ku nool Deegaanka Godin dhabe ee Gobolka Gedo, ayaa waxa uu warbaahinta u xaqiijiyey in Diyaaradaha Kenya ay Duqeeyen Goobo Dad Rayid ah ay dagan yihiin,waxaana uu sheegay in Duqeynta Dad Rayid ah ay wax ku gaadheen.
Waxa uu intaa raaciyay in duqeynta ay ku dhinteen ilaa 7-ruux oo rayid ah,  halka dhowr Saldhigna ay ku garaacen gantaalo Culus.
Dhanka kale, duqeynta ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa, iyadoo Lix maalin ka hor duqeyn ceynkaasi ah ay diyaaradaha Kenya ka geysteen Jasiirada Gudhaa ee ku taalla Kismaayo

 

Iyadoo ay socdaan Duqaymahaasi ayaa dhinaca kale Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiiro dhowr ah ay qorsheynayaan inay ku dhawaaqaan inay iska casilaan xilalka ay ka hayaan xukuumada Soomaaliya.
Wasiirada qorsheynaya inay iscasilaad sameeyaan ayaa gaadhaya 14 wasiir iyo 17 xubnood oo ah wasiir ku xigeen iyo agaasimayaal, sida xogta lagu sheegay.
Sida ay baahisay Idaacada Kulmiye wasiirada ayaa la safan sida lawada og yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxayna doonayaan inay jawaab kaga dhigaan hadalkii Jawaari.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa heysta taageerada ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiirada xukuumada Soomaaliya, laakiin ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyn shalay u muuqday inuu ka guuleystay madaxweynaha.
Wasiirada oo tan iyo xalay kulamo kala duwan yeelanayay ayaa waxay ugu dambeyn isku raaceen inay sameeyaan iscasilaad si ay u fashilanto xukuumada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu kulan adag Xarunta Xalane kula qaatay Nakosazana Dlamini-zuma oo ah Gudoomiyaha Midowga Afrika.
Madaxweyne Xassan iyo Nakosazana Dlamini-zuma, ayaa kawada hadlay Arrimo Dhowr ah oo ay kamid yihiin Khilaafyada, Ammaanka iyo Horumarka ay Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ku talaabsanayaan.
Madaxweyne Xassan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay ku talaabsanayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF Somaliya, waxa uuna ballan qaaday in Ciidamadu ay horay usii ruqaansan doonaan ka hor inta aan la gaadhin doorashada 2016-ka ka dhici doonto Somaliya.
Waxa uu sidoo kale, uga warbixiyay Khilaafka iyo heerka uu gaadhsiisan yahay, waxa uuna Madaxweynuhu rajo ka muujiyay in maalmaha soo socda ay wax ka bedeli doonaan Khilaafkooda.
Sidoo kale, Dlamini-zuma ayaa Xarunta Xalane kulan adag kula leh Wasiiro Dowladaha Wasaarada arrimaha Dibadda Burci Maxamed Xamza, Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Somaliya Maxamed Sheikh Xasan “Xaamud” iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradaha dalka.
Lama Oga Nakosazana Dlamini-zuma waxa ay kala hadli doonto Wasiirada, inkastoo warar hoose ay Tibaaxayaan in kulankooda uu noqon doono mid diirada lagu saarayo Arrimaha la xidhiidhka Khilaafka, Mooshinada iyo duulaanka ay Ciidamada isgarabsanayaa wadaan.

Si kasta ha ahaatee, khilaafka sii fogaanaya ee Madaxda Somaliya waxa uu meesha ka saarayaa wadahadal dhex mara wakhtiga dhaw Somaliya iyo Somaliland.