Guuldarooyinka Kulmiye Iyo Xasadka Ka Qabaan Waddani By Mukhtar Cilmi‏

0
65

Xisbiga Kulmiye wuxuu Somaaliland dib u raray 15 sanadood isagoo maanta bambooyin fara badan dhex yaalan oo ay dhawaan qarxi doonan, Shacabkan hore u talaabsaday ee qaatay nidaamka xisbiyadda badan beertay falaawirkii dimuqraadiyadda ayay durbaan qabiil u garaaceen dorba kadin marka ay xilka la wareegen 2010 ,ila maanta oo sannadku yahay 2014 ayaa beel beel xisbigani u shira, si uu ugu gaadho hadafkiisa siyaasadeed, waxa ayaan darro ah in shaqsiyaad tiro yar iyo qaar laga been abuurtayba oon cidna metelini ay magacyadooda warbaahinta soo geliyeen iyagoo ku andacoonaya inay heshiis gaadheen lagu taageerayo kulmiye ! amba ay ku biiraan , sheekada maanta saaxada taala xisbigi iska soo sharaxay madaxweyne silaanyo wuxuu noqday beenta laga samiyo iyagoo caruurta suuqyada ka soo qaatan oo ay yidhaahdan kulmiye ayaanu ku soo biirna xisbiga WADDANI ayaanu ka soo baxnay !!, hadu kulmiye halka maray wax cusub iguma ahaa waayo waa xisbi burburay oo haawanaya maantana wuxuu soo kordhin karo aya iska yar maadama ay tamartiisi noqtay intaas!!.

 

Kulmiye laga yaac waayo siyaasiyiinti guusha u keenay aya saaxadiisa ka maqan oo shakhsiyad ay ka danbeyeen kharijindooda , kulmiye na waa harag dhex yaal saaxadda siyaasadeed mana filayo inuu soo jiri doono ila iyo sanadaha danbe, khilaafka weyn ee samaale- biixi- yoonis, aya dhulka sii dhigay waana qorshaha ay rabaan maanta madaxtooyadda in ay madaxa laysla galo, shacabka waxaa u cad in u kulmiye yahay xisbi qof gaadha u xidhan iyo kooxyo sida daraadeed meel walba waa laga soo horjistay,AWDAL ila SANAAG, WADDANI waa xisbiga kasbaday siyaasiyiin muuqda oo miisan ku leh saaxada ,iyo taageeryaal ka soo baxay kulmiye hadi noqoto haweenay,dhalinyaro, wuxuuna ku kasbaday siyaasad furan iyo fikir , guushuna way saaran tahay , waxana ku qoslay dhawaan hadalo ka soo baxay jaamac bisaad oo isu magacaawo jaamac shabeel inuu kulmiye guulaysan doono !!, istiraajiyad oo ku hadlo jaamac bisad oo dadka igu biyaamin laha sida u kulmiye ku guulaysan doono 2015!!, jaamac bisad na waa aafo ka mid ah aafooyinka kulmiye ee dhawaan wadankano ka caafimaadi doono insha alaah, maalintaasna aan u iibino crown yar oo cusub !!.

 

Sheekadu waxay u muuqataa in kulmiye noqday ninkii atixiyaadka markuu marayey dhuusay ee salaadiisii oo dhami ka kac noqotay ee inuu dib u weyseysto oo u tukado ay arini noqotay, xisbiga Kulmiye waxa ku waajibtay imika inay bedelaan qorshahooda siyaasadeed ee cawaran keenaanna fikrad caafimaad qabta oo ay rabitanka shacabka xorta iyo xalaasha ah ee reer Somaalilandraacan kaas oo ah in doorashooyinka wakhtigooda ay qabsoomaan oo ay ku jirto danta guud ee qaranka loomana baahna qalalaasi muddo korfhin loogu rabo,looma baahna hadal munaafiqnimo ah ee meel walba la taagan tihiin ma rabn muddo kordhin !!, xalaashu waa june 26 2015,waxaan u malaynaa in ay caddahay in WADDANI doorashada soo socota ku guulaysanayso waayo wuu isku kalsoon yahay diyaarna wuu u yahay halka xukuumadda kulmiye ku waalanayso muddo kordhin oo xaraan ah mana ogalaanayno arinkaas,. Kulmiyoow xal kale keen hadi kale u soo diyaari xaflada xil wareejinta 1 July 2015 .

 

Khadar2244@hotmail.com

 

Mukhtar Cilmi