Guddoomiyaha Garabka Haweenka Dalka Kanada ee Xisbiga Waddani oo Tacsi U diraysa Madaxweyne Siilaanyo

0
112

tacsiGuddoomiyaha Garabka Haweenka ee Kanada ee Xisbiga Waddani Marwo Suhuur Xassan Abiib   Ayaa tacsi u Diraysa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Geeridii  Walaalkii Ku timid Awgeed alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Maxamuud Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska

waxa u dhigna dhambaalka tacsida ahi sidan “Aniga oo ah Suhuur Xassan Abiib  Kuna Hadlaya Magacayga iyo Ka Haweenka Xisbiga Waddani ee Dalka Kanada  Waxaan halkan Tacsi ugu diraya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Qoyskiisa, Qaraabada iyo Qaranka Somaliland guud ahaan, Geeridii Ku timid Madaxweynaha Walaalkii alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Maxamuud Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska  Waxaan Illaahay Marxuumka u Weydiinayaa Naxariistii Jano Sidoo kalena Waxaan Qoyska Madaxweynaha, Qoyska Marxuumka iyo Guud ahan ba Qaranka Somaliland u rajaynayaa in Eebe Samir iyo Iimaan inaga Siiyo Marxuumkaasi”