Mudanayaasha Wakiilada oo Bari Ansixinaya Komishanka Doorashooyinka, loona Qaybiyey Ajandaha Kalfadhiga Lix iyo Labbaatanaad

0
94

 

Hargaysa(Waaheen)Fadhigii shalay  Golaha Wakiilada Jamuuriyada Somaliland oo Uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland ayaa Mudanayaasha loo qaybiyay Ajandaha Kal fadhiga Lix iyo labaatanaad  ee golaha wakiilada.

Fadhigan oo ay Ka soo xaadireen Xildhibaano Badan ayaa waxa loo qaybiyay Sagaal Qodob oo uu ugu Horeeyo Ansixinta komiishanka Doorashooyinka Qaranka .

Qodobada Mudanayaasha Golaha wakiilada loo qaybiyay ayaa waxa uu ka Koobnaa Sagaal Qodob waxaana uu u dhignaa Sidan.

1.Ansixinta kumiishanka Doorashooyinka qaranka.

2. Warbixinta Shirguddoonk,Gudida Joogta ah iyo Gudidayada Golaha wakiilada.

3. Xogogaal u Noqoshada Xaalada Dalka Horyaala

4:-Mashaariicda Sharci ee golaha

4. Mashaariicda Sharci ee golaha

5. u yeedhista Masuuliyiinta Qaranka

6 .Ansixinta Masuuliyiinta qaranka

7. Xeererka Golaha Guurtida kasoo Noqda

8.  Xeerarka Madaxwaynaha Kasoo Noqda ee aanu saxeexin iyo Wixii kale

Gaba-Gabadii Marka loo qaybiyay Xildhibaanada Kal fadhigii 26 taanad ee golaha Waxa fadhiga xidhay Guddoomiyaha Golaha waxaana loo balamay fadhiga Maanta uu yeelandoono Goluhu lagu Ansixindoono Komishanka Doorashooyinka.