Guddoomiyaha Guurtida oo Meesha ka Saaray muddo Kordhin loo sameeyo Xukuumada, kana Hadlay Aragtidiisa ku waajahan Cali Khaliif Galaydh.

0
101

saleebaan-gaalHargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan ayaa Meesha ka Saaray in Golaha Guurtidu Damacsan yihiin in ay muddo kordhin u sameeyan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa kale oo uu ka hadlay Guddoomiye Saleeban sida uu u arko in wadda hadal lala furro Siyaasi Cali Khaliif Galaydh ooh ore u sheegay in Somaliland wadda hadal uu la furayo, waxanu sheegay in ay haboontay in aan wax wadda hadal ah lala furin isaga oo sheeganay Madaxweyne Dhul Somaliland ka Tirsan, basle loo bahan yahay in isaga oo shakhsi siyaasi reer Somaliland ah lala hadlo, isla markaan waxa uu ka cabanayo laga qanciyo oo la soo dhaweeyo.

Saleeban waxa uu sidaasi ku sheegay Mar uu Qaar ka mid ah Warbaahitna Ugu warameyey Xarunta Golaha Guurtida. “Adeer Waxa Muddo kordhin oo ay Gollaha Guurtidu waddan ma jirto Doorashadiina dee waxay dhacaysaa Sanadka Danbe Bisha Lixaad muddo dhawna ma ah markaa wararka meelahaasi laga sheegshegayo ee la yeehay guurtibaa waxa kordhinysaa waa been cad.”Ayuu saleeban.

 

HALKAN KA DHEGEYSO.