Wasiirka Maaliyada oo Gudiidii Guurtida ku amaanay xalinta Khilaafkii Golaha wakiilada.

0
53

Hargeysa{Waaheen} Wasiirka Maaliyada Somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo waramaayey qaar kamdi ahw arbaahinta dalka waxaa uu kahadley arimo badan oo ay kamdi yihiin xalintii khilaafka golaha wakiilada,xisbiga kulmiye iyo horumarka ay somaliland gaadhy ee wadamada caalamku ku amaanaan waxaanu yidhi Wasiir Samaale “Golaha wakiiladu waa gole aan ka tirsanaa kuna yimid codka shacabka Somaliland waana Gole Qiimo leh waxaan aad iyoo aad uga xumahay khilaafka golaha wakiilada gudihiisa yaala waxaana loo baahan yahay in shir gudoonku iyagaa maamulkii golaha ah ee inay ka ilaaliyaan wixii kholaafaad ah golaha waxaanan ku hambalyaynayaa Golaha guurtida dhexgalka arinta xalinta khilaafka.

Golaha Guurtidu waa gole aynu dheer nahay wadamada kale waa gole daqan waa gole shrci dajineed waana golaha xalinta khilaafaadka aad baanan ugu hambalyaynayaa siday khilaafkaasi u damiyeen.

Golaha wakiilada oo aan miisaaniyada qaranka September geeyay wali golaha loooma qaybin waxaanan u arkaa in khilaafka golaha wakiiladu yahay sababta dib u dhigtay arinkaasi.

Sidoo kale kale wasiir samaale oo ka hadalay arinta kulmiye ayay yidhi “kulmiye waa xisbi aad u balaadhan waa xisbi soo maray tariikh dheer  waa xisbiga talada dalka maanta haya ee uu ka soo baxay madaxweynaha qaranku m/weynuhu waa halyeygii aasaasay Xisbiga waana murashaxii madaxweyne ee talada dalka ku guulaystay doorashadii u danbaysay waana murashaxa  shanta sano ee soo socota wax intaa ka danbeeya oo la raadiyaa ma jiro aniga iyo walaaladayda ee Muuse biixi iyo maxamed biixi iyo inkastoo han lihiba anagoo wada dhisayna madaxeynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) khilaaf xisbiga dhexdiisa yaalaana ma jiro waananu midaysanahay waxaananu ku midaysanahay horumarka dalka .

 

Sidoo kalle waxaa uu wasiirka maaliyada somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Kahadley Somaliland iyo guulaha ay gaadhey waxaanu yidhi: {Waxyaabaha aynu qabsano ee aduunku inagu majeerto ee inagu amaanayo anaguna tixgalinayo waxa ka mida  nabadgalyada aynu sugnay iyo yadoo dalkeenu maanata yahay dal Xuduudihiisa Passport, lacagtiisu calankiisu iyo waliba ciidankiisu sugan yihiin aynu nahay mudnaanta 1aad waxay wasaarada maaliyadu siisay amniga qaranka 46% waxay gashaa waxyaabaha la xidhiidha Amniga.

Ma nihin wadan la aqoonsay waxaanaynu ka soo gudubnay marxalado badan oo ay ka mid tahay in afar madaxweyne isaso badaleen waliba si nabad gelyo ah.

Cashuurta qaadka ka soo xeroota maalintii waa 80,000$ bal qiyaasa hadaba inta inaga baxda maalin kasta 30milyan oo dolar ayaa qaadka inaga soo gala sanadlkii halka 450milyana aaya sanad kasta wadanka ka baxaan lacagta intaa le’eg sidii aynu u badbaadin lahayna idinkaa la inagaa la inaga sugayaa in aynu qaadnoo olole dadka lagu fahansiinayo qaadka iyo dhibaatadiisa