Ururka Somaliland website Journalists association SLWJA oo Taageeray Goaankii ay Warbaahinta Madaxa Banaan

0
38

Ururka Somaliland website Journalists association SLWJA oo Taageeray Goaankii ay Warbaahinta Madaxa Banaan iska istaagtay Cabudhintii sharci darradda ahayd ee Wasiir Cukuse kasoo yeedhay

Warsaxaafadeed ay Soo sareen Ururka Somaliland Website Journalists association SLWJA kuna Saxeexnaa Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland website Journalists association ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

Waxaanu Ka Midaysanahay oo u aragnaa Goaankii Wasiirku ku tiraabay dhawaan inay tahay Mid Sharci darro ah waxaananu u aragnaa inuu wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Kala garanayn Shaqadiisa iyo Kuwa Ururadda Saxaafaddu u xil saaran yihiin Haddaba waxaanu Cambaaraynaynaa Cabudhin kasta oo Xukuumaddu isku daydo waxaanan u gudbin doonaa Ururadda Xuquuqda aadamaha iyo Ururadda Saxaafadda ee Caalamiga ah .

Sidaasi Kaga Hadhi Mayno Waxaanu ugu Baaqaynaa Wasiirka Warfaafinta inuu sharciga dhawro isla markaasna uu dib u akhristo Xeerka saxaafadda ee ay ansixiyeen Golayaashu ee Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Siilaanyaba ay saxeexeen.

Dhamaan Ururka SLWJA Waxay Aragti keliya ka midaysan yihiin Warbaahinta Madaxa banaan oo Maanta Warsaxaafadeed kan la mid ah soo saaray.

Allaa Mahad Leh

Sayid Maxamed
London
UK