Bayaan Dhalinyaro

0
163

hqdefaultAnnagoo ah dhalinyarada magacyadoodu hoos ku saxeexanyihiin, waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa Bayaan aanu ka soo saarnay Xadhiga Sh.Ismaaciil Maxamed Ciise Muuse (Sheekhul Baladka), oo ku xidhan Saldhiga Degmada Koodbuur, una Xidhan qaar ka mid ah Saraakiisha Madaxtooyada Somaliland.

Haddaba Maxkamada Gobolka Hargeisa oo soo saartay Amar Sii Dayn ah oo lagu sii daynayo Maxbuuskaas waxaa ka dul yimid amar ka sareeya Garsoorkii Qaranka oo ah Hay’ad madax banaan amarkaas oo ka soo fulay Madaxtooyada sida uu ku andacooday Jananka Boolisku, sidaa daraadeed waxaa halkan ku lifaaqan warqada Maxkamada Gobolka Hargeisa ee sumadeedu tahay MGH/2/2014 kuna taariikhaysan 18-nov-2014

Haddaba, waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaan cidda ay khusayso arrintani oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxda Garsoorka Somaliland, Madaxda Amniga Qaranka oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland (Warancade), in ay arrintan soo faro geliyaan qarankana laga badbaadiyo raga qasriga madaxtooyada Amarka ka soo dhex bixinaya, ee bar tilmaameed ka dhiganaya Shakhsi muwaadin ah oo ay iyaga ka shakhsi ahaan xurgufi u dhex martay, kuwaas oo shaadha dowlada ama madaxtooyada ku aar goosanaya iyagoo cagojuglayn iyo cabudhin isugu daraya muwaadiniinta.

Gabagabadii, Haddii aan Sh. Ismaaciil Maxamed Ciise; sida ugu dhaqsaha badan aan loogu soo celin xoriyadddiisa, lagana xaal marin ficilka lagula kacay, waxaanu uga digaynaa xukuumadda Somaliland inay waayi doonto Kalsoonidayada, wixii ka dhacana Masuuliyadeeda iyadu qaadi doonto, Madaxweynaha oo ah xubintii ugu saraysay qaranka waxaanu ka codsanaynaa inuu arrintan soo farogeliyo, Ragga hawlahan fulinaya ee qasriga madaxtooyada ku sugana uu talaabo ka qaado.

Wabillaahi Towfiiq.

 

Xubnaha soo saaray Bayaankan

  1. Gud. C/fataax Aw-Axmed Muxumed
  2. Dr. C/llaahi Maxamed Ismaaciil
  3. Mahdi Faarax Qaalib
  4. Xassan Maxamed Ismaaciil
  5. C/casiis Cumar Xassan
  6. Khadar C/llaahi Siciid Dheere
  7. Sidiiq Xaashi C/llaahi
  8. Maxamed Cabdi Kayd
  9. Maxamed Xariir Xagar
  10. 10.  Cabdi Cismaan Cali

11. Khadar Aw-Ciise Muuse

12. Dayib Aw-Axmed Muxumed

001