Wasiirka Kaluumaysiga Oo Dalka Ka Mamnuucay Inuu Kalluun Ka Soo Dago.

0
118

 

cali buureedHargaysa(Waaheen)Wasiirka wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka Badaha somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa Shalay  sheegay in dhamaan la joojiyay Kaluunkii Dalka somaliland kaga imanayay Dalka Dibadiisa.

Shirjaraa’id oo ku qabtay Magaalad Hargaysa wasiirku ayaa waxa uu sheegay in talaabadan ay wasaaradiisu ku dhaqaaqday ay waxbadan ka tari Doonto inuu Horumaro Kaluunkii dalku.

Waxa kale uu sheegay isla markaana ku gubaabiyay Kaluumaystay Dalka in ay Jabiyaan Qiimaha kaluunka.

Wasiirka ayaa sidoo kale Carabka ku dhuftay in dalka Laga keeno Kaluunka uu u badnaa Dawlada somaliya,waxaana uu madaarada laga soo Dajiyo Amar buuxa wasiirku ku siiyay in ay talaabo ka qadaan.

wasiirka wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka badaha Somaliland oo arimahaasi faah-faahin ka bixinaya ayaa waxa uu yidhi.“Maanta laga bilaabo wasaarada kaluumaysigu iyo khayraadka Badahu waxa ay joojisay in dalka somaliland la keeno kaluun ka yimid dalka dibadiisa,Waxaanu dhamaan Amar buuxa siinay madaarada dalka iyo dikadaha si aanay kaluun dalka uga soo dagin,hadaanu nahay wasaarada kaluumaysiga waxaanu dhiiri galinaynaa in dalka somaliland lagu isticmaalo kaluun kooda.

Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay”Dhamaan waxaan ku wargalinayaa Kaluumaysatada dalka somaliland in ay Jabiyaan Kaluunka dalkan ka haqab tiraan,Markii hore dalka waxa la keeni jiray Kaluun laga keeno Xamar Maant laga bilaabo dalka waa ka mamnuuc.

Hadalkan kasoo yeedhay wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badaha somaliland ayaa waxa uu Dhiiri galin u noqon doonaa Kaluumaystada dalka somaliland,Kuwaas oo ku dhiiran doona in ay dalkooga Dihan kala soo baxaan Kaluunka.