SONSAF oo Talooyin u gudbisay Guddida dhex dhexaadinta khilaafka Golaha wakiiladda

0
75

 

Hargeysa(Waaheen) Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa shalay la kulantay guddida xalinta khilaafka Golaha Wakiiladda, kuwaas oo ay u gudbiyeen afar qodob oo ay u arkaan in uu ku jiro Xalka muranka ka taagan Golahaasi.

  1. In aanay Guurtiddu dib ugu celin Golaha Wakiiladda Xeerka Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Cod-bixiyayaasha ee ay iyagu (Guurti) dhamaystiraan, wixii ka khaldana saxaan.
  2. Inuu hawl-galo go’aankii hore ee Guurtiddu ku dhex dhexaadisay Golaha Wakiiladda Khilaafkoodii hore GG/JSL/50/2014, kuna taariikhaysnaa 18/2/2014 oo u muuqda inuu xal fiican keeni karo.
  3. In Guurtidu ugu baaqdo Xukuumadda iyo Mucaaradka in la joojiyo wax kasta oo dadka kicin kara ama abuuri kara xasilooni darro.
  4. In ay Guurtiddu kudadaasho in aan loo baahan soo dhex-gal dibeda ah oo xaliya khilaafka dhexdeena.

 

Soo jeedinta SONSAF ayaa noqonaysa tii labaad ee ay toddobaadkan ka soo saaraan khilaafka Golaha Wakiiladda, waxaanay hre uga soo saareen shir ay yeesheen qoddobo kale oo ay bulshada iyo hay’adaha kala duwan Talooyin ugu soo jeediyeen.