”Shacbigu Xukumadda Ha Ku Ixtiraamo Hogaaminta Dalka…” Qaar Kamid Ah Salaadiinta Beelaha Subeer Awal

0
39

Hargeysa (Waaheen) Salaadiin cuqaal Madaxdhaqameed iyo haldoorka Beelaha Subeer Awal kamid ah Oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay muranka iyo khilaafka golaha Wakiilada iyagoona ku baaqay in la ilaaliyo nabad gelyada shacbiguna xukumadda ku ixtiramo hogaan dalka waxanay salaadiintani hambalyo iyo boogaadin udireen Golaha guurtidda somaliland ee soo dhex galay dhexdhexaadinta Golaha wakiilada Somaliland. Salaadiintan ayaa Xildhibaanada golaha faaray inay ilaaliyaan nabad gelyada iyo amniga dalka ugu horayna waxa halkaasi Ka hadlay Ugaas Ibrahin Kaahin ”Waxanu halka isugu nimi wixii ilaa shalay dalka ka dhacay oo ah wax aanu qaadan kari waynay haduu sii socdana dalka xumo ukeenaya markaa waxanu leenahay inaynu colaad abaabulo maaha inagoo dawlad leh oo inaynu beelo ku noqono maaha hadii dawlad nimadu lunto dalku fawduu noqonayaa waxanu leenahay waar nabada ha la ilaaliyo markale waxanu leenahay dee kaambaynka iyo ololuhu xili buu lahaa ee xiligiisa ha la gaadho” Suldaan Xiis Bare oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa golaha guurtida ugu mahadnaqay dhexdhexaadinta iyo waan waanta ay ka dhex bilaabeen golaha Wakiilada ”Waxanu gurmad ka nahay wixii shalay dalka ka dhacay waa wax laga xumaado wixii geeriyooday iyo waxa dhaawaca ahba waanu uducaynaynaa waxanu u mahadnaqaynaa golaha guurtida gurmadkii ay ka galeen arimaha golaha waanuna uducaynaa guurtidda, Wakiiladana waxanu leenahay geeri yaynan nolol dhaafsiisan somaliland nina wax gaara ah malaha waxba la wada leeyahay siyaasada sadex gole ayaynu usamaysanay sadexdaasa taladu ka go’da ee inaga inagama go’do beelnimo waynagii tuuray nin walba oo madax ah waa la maaga Siilaanyo maalin walba waa la maaga beeshiisuna nooma jawaabto ee anshaxa ha lagu soo noqdo” Ugaas Cabdulaahi Xawaareye, Suldaan Ali Saleebaan, Caaqil Cumar Qawdhan Boqor Maxamed Geele Seed Iyo salaadiin kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah carabka ugu adkeeyay in shacbigu ilaaliyaan amniga dalka Magacyadda Salaadiinta Shirka Jaraaid Qabatay Suldaan Ali Saleebaan Suldaan Cismaan Shikh Ibraahin Suldaan Jama Osman Aadan Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele Suldaan Xiis Bare Yousof Suldaan Cismaan Ali Kooshin Boqor Mohamed Geele Seed Suldaan Maxamed Daahir Ugaas Cabdilaahi Xawaareeye Suldaan Axmed Cumar Madar Caaqil Cumar Qawdhan Oday Maxamed Cabdi Abokor