“Madaxweyne in Aad Farro Galin ku haysaan Golaha way cadahay” Guddoomiye Cirro

0
82

 

 

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa jawaab ka bixiyey Hadal uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku sheegay in aanay wax faro galin ah ku hayn golaha wakiilada, isla markaana khilaafku uu ku kooban yahay Xildhibaanada Golaha, Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in uu cadaymo u hayo in Dawladu farogalin ku hayso Gollaha.

Isaga oo sheegay in loo diiday Shalay Golihii oo ay qabsadeen ciidamo baddan oo kala duwani.

Guddoomiye Cirro oo ka hadlay hadalkii madaxweynaha waxa uu yidhi. “Runtii Way iska cadahay goluhu shalay fadhi caadi ah ayuu lahaa oo dee wuu furmi lahaa waxa la yidhi Maxaa Sacabka loo Tumaa Habeenkii haddii aanay Xeeladi ku jirin,  goluhu intaas oo ciidan ah umu baahnayn, in Saq-badhka Habeenimo in waddooyinka la xidho umu baahnayn, in Afar Boqol oo RRU ah la hawlgaliyo looma baahnayn, in Ciidankii qaranka la Hawlgaliyo umu bahnayn, in ciidanka Asluubta la Hawlgaliyo umu bahnayn, in ciidamo Laascanood laga soo qaddo looma bahnayn, Marka Madaxweyne in Aad Farro galin ku haysan Gollaha way iska cadahay, oo aanu Golihii soo galikariwaynay oo saxaafadii loo diiday, waxa kale oo faragalinta Golaha aad ku haysan cadeynaysa in Wasiir ku-xigeenka Warfaafintu uu maamulayey Warbaahinta Golaha Soo galaysay.”Ayuu yidhi Cirro.