Cuqaal Reer Awdal Ah Oo Xukuumada, Xildhibaanada Baarlamaanka Iyo Dadwaynaha Reer Somaliland U Diray Fariimo Nabadeed

0
117

Borama(Waaheen) Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen cuqaasha gobolka Awdal gudaha magaalada Boorama ayaa waxa ay kaga hadleen xaalada dalka, waxana ay Tacsi u direen eheladii ay ka baxday haweenaydii shalay ku geeriyootay mudaharaado ka dhacay Burco, sidoo kalena waxa ay nasiibdaro ku tilmaameen in dalku maanta uu qabiil dib u galo iyada oo qaranimadu tahay mid dalkan Somaliland u dhan maanta. Dhinaca kale waxa ay cuqaashan reer Awdal waxa ay dardaaran iyo digniin u kala direen Xukuumada, Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo dadwaynaha reer Somaliland kuwaas oo ay kala hadleen in qaranimada iyo nabadgalyada uu dalkani maanta haysto la dhawro.

Ugu horayn ayaa Caaqil Tukaale Raage Riiraash oo hadalka furay uu yidhi “ Waxa aad u badan maalmahan dambe oo na soo gaadhaya xiisada ka oogan golaha Baarlamaanka, waxa aan leenahay Raganimadu ninka ay la roorayso ha joojiyo, oo tu wax raatubta ha ku hadlo, qaran iyo qabiil marka loo hadlayo wax la is barbar dhigo ma aha, qaran ayaan ku nool nahay oo waan dhisanahay, qabiil kuma noolin oo waa kii aan soo marnay ee na baabiiyay, in laga digtoonaadona way tahay, waa dardaaran hadalkayagu ee aan qaranimada adkaysano oo aan qabiilka ka dhex saarno oo aan ficilka ka dayno”

Caaqail Faarax Boon oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Baarlamaanku waa wax madaxbanaan oo la doorto ee ma aha wax qaranka lagu dumiyo, Somaliland-na maanta qabiil naguma deeqayso ee qaranimo ayay nagu deeqaysaa, waxa aan leenahay ha laga daayo qabiilka xiisada maanta oogan, qaranimada iyo nabada ha la inoo daayo, baarlamaankana ha loo daayo madaxbanaanidiisa oo sida ay wax u doonayaan ha loo daayo, hadii aan reer Awdal nahay-na waxa aan leenahay qaranka sidan ha laga daayo oo qabiilka iyo qaranimada ha la kala saaro, yaan loo noqon waxii shalay ka dhacay Somaliland taasina waa naga digniin ayaan leenahay”

Caaqil Saxane oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Arimaha maanta dalka oo dhan ka taagani waa wax laga xumaado, Gudoomiye Ciro waxa doortay baarlamaanka, waxana uu ku soo baxay aqlabiyad, waxana uu joogaa mudo 9 sano ah, hadii maanta la yidhi waan bedelaynaa ma ahayn in qabiil laga dhigo arinta, isaguna ma ahayn inuu way tolaayeey yidhaa oo uu arinta sharciga ka weeciyo oo uu mudaharaad ku baaqo waxana aan leenahay gudoomiye Ciro taasi ha ka waantoobo, Dadwaynahana waxa aan leenahay dawladnimadu waa inoo dhisan tahay ee ha loo daayo haybadeeda, maalintii aan codaynaynay waxa aan lahayn aan qabiil reebno ujeedadeenuna sidaas ayay ahayd ee arintu yaanay naga xumaan oo aanay kaadi kale na cabsiinin, salaadiinta, dadwaynaha iyo mutacalimiintuna yaanay ku milmin siyaasada.

Caaqil Saxane waxa kale oo uu dhaliilay xildhibaanada gobolka Awdal waxana uu yidhi “Ka hor intii aanay saxeexin warqada mooshinka waxa la gudboonayd inay yidhaahaan bal joojiya talo ayaan ka leenahaye, kolka ay madasha tagaana inay ka hadlaan way lahaayeen oo ay yidhaahaan waan qaldanee joojiya, waxana aan dhaliilnay in sidii gobolka Awdal uu dawlad kale yahay inay yidhaahaan ku milmimayno oo ay dhinac u istaagaan

Caaqil Dugsiiye oo hadalka la wareegay ayaa yidhi “ Waxa aan ku hadlaynaa waa dardaaran iyo waano, waxa aan u damqanaynaa waa waxii aan ku dhisnay Boorama ee dawladnimo ahaa, dalkan is ku tanaasulka iyo is xushmaynta ayuu halkan ku soo gaadhay, mana qaadi karo xabad iyo digdig iyo qabiil, xeer nabad iyo midnimo jidaynaya ayaan dajisanay, ninka wax doonayaana inuu idoorta yidhaa ayaan ku balanay, Barina waxa aan leenahay dawladu shalay ayay idiin timidee goorma ayaad xabad ku baaqdaan, lama gaadhin taas ee dalka u haya xilkiisa sidii ay u hayeen kuwii idinka horeeyayba, taasi waa dardaaran aan ku wajahan dadka reer Somaliland. Waxa inoo dan ah nabada ee sidaas ha la ogaado, wixii shalay dhaqayna ha laga noqdo, ninka wax doonayana nasiibkiisa ha qaado ee dadka ha yidhaa I doorta”

Caaqil Cabdi Cabdilaahi Qayaad oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “ Dalkan waxa u dhan wixii sharci dawladeed ahaa, dunidana waxa aan ka iibin jirnay nabadgalyo, banadgalyadiina in lugta lagu laaqo ma aha, golaha wakiiladana waxa loo doortay hormar ee qabiil looma dooran, dalkana ha laga badbaabiyo jidka Xamar oo kale, waxana aan leenahay nabada ayaa lagu soo hiranayaa ee nabada dhawra, wixii idinkana dhexeeyana fadhiga ku dhameeya”

Chief Caaqil Daahir Cismaan Cilmi oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Waxa aan ka xunahay wixii shalay dhacay, waxa aan tacsiyaynayaa cidii shalay ku dhimatay, waxa aan leenahay ha la ilaaliyo nabadgalyada, dalkana nin marti ugu mujaahiday, nin maal ugu mujaahiday iyo nin maskax ugu mujaahidayba waa loo soo wada jihaadaye aan wada ilaashano, siyaasiyiinta doobinaysana waxa aan leenahay nin walboow maskaxdaada miiska dhig oo wax tar ku hag ee ka daaya caruurta la kicinayo”

Ugu dambayntaa ayaa Xasan Caynaan oo hadlay uu yidhi “ Waxa aan kula talin lahaa xukuumada iyo mucaaridkaba, xukuumadu hawlaheeda si waajibku yahay ha u qabsato, mucaaridkana waxa aan leeyahay hadii ay kolba dhan u boodayaan oo ay dantooda qabiil ku raadinayaan iyaga ayay u taalaa, shacabkana waxa aan leeyahay ha u weelaynina nin aan danihiina u adeegayn ee fahma waxa idiin danta ah, maantana ma joogno maalin qaran laga ordo oo qabiil lagu ordo”