Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland iyo wasiirka Maaliyadda oo Qado sharaf u samaynaya beeshooda

0
139

Hargeysa(Waaheen) Marti-qaad ay si wadajir ah ugu qoran yihiin wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayey ku sheegeen in berri oo salaasa ah ay kulan qado sharaf ah ku samayn doonaan Hotel Guuleed.

saamaaMarti-qaadka labada wasiir fidiyeen ayaa la sheegay inay ka soo qayb galayaan marti gaadhaysa sadex boqol iyo shan boqol oo qof, kuwaas oo isugu jira wasiiradda Beesha kaga jira xukuumadda, Xildhibaanada Golayaasha Qaranka, Culimaa’udiin, Madax dhaqameed, Guddida Horumarinta Beesha Sacad Muuse ee shirkii Agabar iyo marti-sharaf kale.

Inkasta oo aan la sheegin ujeedada Qado sharafta labada wasiir ku baaqeen hadana wararka soo baxayaa waxay sheegayaan in ay tahay in uu wasiir Maxamed Biixi Yoonis kaga dhawaaqi doono in uu yahay musharax u taagan jagada madaxtinimada xisbiga Kulmiye.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa noqonaya wasiirka labaad ee beesha Sacad Muuse ee u taagan musharaxnimada Madaxtinimada halka marka hore ay ku loolamayeen Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir Samaale, kuwaas oo muddo badan loolan xoogan ugu soo jiray.

Muuse Biixi Cabdi ayaa istaadhay Olole ka dhan ah labada wasiir, waxaanu soo dhaqdhaqaajiyey gudidii Horumarinta Beesha Sacad Muuse, kuwaas oo dhawaan Samaale ka dalbaday kulan ay ugu gogol xaadhayaan sidii ay u isugu keeni lahaayeen labada musharax, isla markaana midkood ugu qancin lahaayeen in uu tamaasulo.

Ku soo biiritaanka saaxada Musharaxnimo ee Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa wax badan ka bedelaysa waxaanay noqon doontaa in culays dheeraad ahi sii fuulo Loolanka u dhaxeeya siyaasiyiinta Beesha Sacad Muuse.

Qado sharafta Samaale iyo Biixi ayaa noqon doonta mid beeshu isku arki doonto, iyadoo ay isla toddobaadkan jiraan kulamo kale oo isla Ololahan qayb ka ah.