Cibitaalkii Degmada Ceelafweyn Oo Markale Xidhmay Iyo Sababta Kaliftay By Maxamuud Cali Axmed‏

0
116

 

Ka Eeg Gudaha  Xogtarasmiga ah iyo sababaha mar labaad xidhay .

Degmada Ceelafeyn oo kamida degmooyinka ugu waaweyn JSL ayaa Cusbitaalkeedu xidhnaa muddo 22 Sano ee ugu danbeysay kaasi oo aan fulin jirin wax adeeg caafimaad ah , marka laga reebo waraqaha dhaawac muujinta oo uu dadka ugu samayn jiray gudoomiyaha caafimaadka degmada DR Mohamed Elmi Dhuub Pharmacy-giisa  .

Taasi oo bulshada Ceelafweyn ku keentay inay baahi caafimaad awgeed safaro dhaadheer  ugu galaan gobolada kale ee dalka .

Horaantii sanadkan ee Bishii 4aad/2014 ayaa waxa wasaarada caafimaadku markii ugu horeysay intii Somaliland jirtay usoo dirtay Dhakhtar heer Jaamacadeed ah Cusbitaalka Degmada  kaasi oo kaashanaya aqoontiisa caafimaad , Shaqaalihii Cusbitaalka Joogay iyo gudidii Dadweynaha Ee Qaabilsanayd Hawlaha Caafimaadka ayuu ku guulaystay inu Albaabada u furo , adeeg Caafimaad oo rasmiyana kahir galiyo muddo yar gudeheed , iyo sidoo kale Gaadhi Umplance ah oo ay wasaaradu keentay  taasi oo gebi ahaanba bulshada Reer Ceelafweyn aad ugu diirsadeen inay indhaha saaraan Cusbitaalkoodii oo shaqaynaya ilaa dawladihii Dalka ukala danbeeyay .

Cisbitaalku waxa uu gaadhay heer uu yeesho qaybaha bukaan jiifka iyo bukaan socodka , Iyadoo wakhtiyada qaarkoodna ay dhacday in dadka meel lakala dhigo la waayo .

Haddaba iyadoo waagaa cusubi u baryay Caafimaadka degmada ceelafweyn oo ay nasiib u heleen Dr leh Aqoontii Caafimaad ee casriga ahayd isla markaasina u heelan marwalba inuu caawiyo dadka tabaalaysan ee deg ceelafweyn ayaa waxa dhacday,   sabab aan ujeedadeeda la garanayn wasaaradu mar kaliya usoo magacawday Gabadh Cisbitalka looga soo dhigay  maamulaha shaqaalaha oo magaceeda la yidhaado Ubax Caalin , taasi oo aan bahda Cafimaadka ku ab tirsata aan meelnaba kasoo gelin , marka laga reebo inay isku reer yihiin agaasimaha guud ee wasaaradaasi mooyaane  .

Waxa sida laga wada war qabo isla wakhtigii ay hawl gashayba bilawday inay shaqaalhii ka hawl gali jiray Cisbitalka ay iska hor keento colaad iyo nacaybna dhexdooda ka abuurto iyadoo markaasina xidhay oo furayaashii cusbitaalkana kala wareegtay wash man-kii oo ay albaabada u laabtay dhakhtarkii degmada taasina ay tahay wax la wada og yahay oo cadaan ah hadaan la is idho tirayn  .

Falkii ugu danbeeyay uguna foosha xumaa wuxu ahaa todobaadkii ina dhaafay ee ku taariikhaysnaa 4-11-2014, kadib markii DR-kii wasaaradu soo usoo dirtay cibitalka ay  is maan dhaafeen taasi oo ka dhalatay bukaan abeeso cuntay oo iyada oo aan lagala tashan Dr-ka u qaabilsan Cusbitaalka daaweynta bukaanka lasiiyay dawooyin khaldan , arinytaasina aanu wakhtigii uu ogaaday gudoomiyaha caafimaadka degmada aan dhag jalaq u siin balse uu ku raacay qaladkii indhola’aanta ahaa uuna qoray warqad aanu awood u lahayn oo uu shaqada kaga joojinayo DR-kii khaaska ahaa ee wasaarada caafimadku usoo igmatay inuu fuliyo hawlihii uu ku shaqada lahaa ee daaweynta iyo daryeelka bukaanka .

Taasi oo keentay inuu gebi ahaanba albaabada u xidhmo cisbitaalkii degmada , kuna noqdo sidii uu ahaan jiray mudo ku siman 22 sano ka hor .

Hadii ay sidaasi jiro xaqiiqona ay tahay Maxaa Uga Meel yaala xkuumada uu hogaamiyo Md Axmed Maxamed  Maxamuud Siilaanyo Halka uu ku danbeeyay adeegii caafimad ee ay ku guulaysteen ibo furkiisa ?

Muxuuse kala Socdaa arimahaasi Wasiirka Caafimaadka Somaliland qaybtan ka mida wasaaradiisa ee maamul xumo awgeed mar kale albaabada loo xidhay ?

By Maxamuud Cali Axmed