Madaxda Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer oo taageerayashooda ugu baaqay inay soo dhaweeyaan Madaxda Xisbiga oo Hargeysa ka imanaya

0
139

IMG_9440Burco(Waaheen)Hogaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye ee Gobolka Togdheer ayaa saaka shir jaraa’id oo degdega ah oo ay isugu yimaadeen waxay kaga hadaleen,Xaalada nabadgelyada oo ay sheegeen in la ilaashado sidoo kale waxay sheegeen in ay taageerayaasha xisbiga kulmiye ee gobolku u diyaargaroobaan wefti culus oo xisbigaasi ah oo ay sheegen inay maalinta salaasada ah kusoo beeganyihiin magaalada Burco.
Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Gobolka Togdheer  Sahal Aadan maxamed oo ugu orayn shirkaas Jaraa’id ka hadlaya ayaa yidhi”taageerayaasha Xisbiga kulmiye waxaan ugu baaqayaa inay soo socdaan Hogaankii Xisbiga kulmiye iyo Xildhibaano la socda oo xisbiga ah oo kusoobeeganyhiin maalinta salaasada ah inaad is abaabushaan oo diyaar garawdaan sidii absamida ahayd ee laydinku yaqiinay usoo dhawaysaan,idinka oo si nabadgelyo ah iyo xasilooni ah kusoo maraya goobtii looasteeyay.
waxaan ugu baaqayaa xubnaha Xisbiga kulmiye inay ilaashadaan nabadooda,hadii colaadi dhacdo nina jiifi maayo,cidii nabadgelya dari wadana haka yeelina,
ninkasta oo maanta is yidaahda siidhi baan afuufayaa nabadgelyo daro ah isagay qawaacibku ku dhacayaa,fidmaduna way hurudaa ninkii toosiyaanay asiibaysaa,inaguna waxaynu leenahaya ilaahay haynaga nabadgeliyo.
Abokor Cumar Aadan Dibi iyo Gudoomiyaha Garabka haweenka xisbiga kulmiye ayaa iyana sidoo kale si wada jir a uga hadlay shiraasi waxaanay taageerayashooda ugu baaqeen inay si wanaagsan usoo dhaweeyeen weftiga imanaya ee xisbigaasi ka socda.