Soo noq-noqataye Ma Naqbaa u da’ay‏

0
98

SOMALILAND

Wafdiyo caalamiya oo  faraha badan ayaan dhowaanahan  gaala baxaya  JSL. Maxaa soo kordhay ee JSL loogusoo kala badinayaa? Malaha si dadbanbaa reer Somaliland loogu sheegayaa in ictiraafkoodii miiska yaal, laakiin ay doonan kari laayihiin…laakiin ay wax si ka yihiin laakiin ……….
Wafdi heer sare ah oo ka socda dawlada aynu saaxiibka iyo jaarkaba nahay  ee Ethiopia ayaa soo booqday JSL.

Wafdigaa oo ahaa kii ugu weynaa ee inooga yimaada Ethiopia ilaa iyo intii xidhiidhkeenu jiray wuxu u socdaabaa la yidhi sii xiijinta cilaaqaadka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal. Adeyga xidhiidhka JSL iyo Ethiopia wuxu soo taxnaa ilaa iyo intii ka danbeysay markii ay Ethiopia magan galisay shacabkii dawladii Af-Weyne kasoo qixisay wadankooda.

Maanta wafdigana yimid waxa la sheegayaa in uu doonayo in Somaliland ay ka wada xaajoodaan mashaariic badan oo horumar u ah labada dad iyo guud ahaan ka mandaqadda Geeska Africa.

Mashaariicdaas waxa ugu weyn sidii loo manaafacaadsan lahaa dekeda caalimga ah ee Berbera iyo dekadaha kale ee dalkaba. Waxa laga wada hadlaya hirgallinta jid casri ah oo isku xidha Ethiopia iyo Somaliland. Waxa iyana meesha ka maqneyn suurta galnimada khad tareen ah oo iskaga goosha labada dal.

Soo noqnoqotee ma naqbaa u da’ay 

Wafdigan Ethiopian ka waxa ka horeeyey wafdiyo badan oo ka kala socday caalamka oo baryahan dambe safaro ku joogay JSL. Safarada wafdiyada caalamiga ah ayaa la dareemayaa in ay ka badanyihiin sidii hore. Waxa la isweydiinayaa maxaa soo kordhay?

Kolka arrimahaas oo dhan la isu gee geeyo, jawaabta Su’aashaa waxay dadka siyaasadaha mandaqadda saadaaliyaa ku fasirayaan in si dadban Somaliland wax loogu sheegayo, oo loo tilmaamayo. Waxanay ka mid tahay hababka diblomaasiyadeed ee farriimaha dawladuhu isugu gudbiyaan.

Waxay u eegtahay in ay biseyl  tahay  qadiyadeenii oo loo baahanyahay oo kaliya sidii aynu u raadsan laheyn ee aynu u riixi laheyn. Waxa la inoo sheegayaa in aan bahasha hadiyad la isku siineyne waajibku yahay in aynu inagu doonan.

Allaa Mahad Leh