Musharax Xassan Cabdi Ammaan oo u sharaxan Doorashada Golaha wakiilada ee Gobolka Maroodijeex.

0
105

 

 

 

Annigoo ah aqoonyahan bartay cilmiga dhaqaalaha,waxaan halkan ka sheegayaa inaan ahay musharrax utaagan doorashada golaha baarlamaanka ee gobolka M/jeex taas oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto bisha June ee 2015ka. waxaan diyaar u ahay inaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulo ka mid noqoshada xubnaha baarlamaanka dalka. Annigu ma ihi kuwa lacagta ku doonaya ee ujeedadoodu tahay inay shillimo-yar helaan wayna iga go’an tahay arrintani.

Waxa igu dhaliyey in aan isku soo taago doorashada golaha wakiilada, ka dib markii aan arkay:

1.     Baahida dhallinyaradu u qabto ka mid noqoshada hoggaanka dalk.

2.     Wax ka baddelkii lagu sameeyey dastuurka qarranka qodobka 41aad  faqraddiisa 2aad oo markii hore ahaa inuu qofku (35) sano jir yahay imikana loo baddelay (25) sanno.

3.     Tabar-darrida guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiilada

4.     Kursiga oo kuwa imika ku fadhiyaa ay uga faa’iidaystaan dannahooda gaaarka ah

5.     Xil-gudasho la’aanta  kuwa imika u jooga deegaanka aan ka soo jeedo

6.     Hammihaygaga oo kolkii horeba ahaa inaan ka mid noqdo xubnaha sharci-dejinta dalka

7.     Boqolaal sano oo ay odayaal inna soo hortaagnaayeen taasina ay keentay in wax horumar ah lagaadhi waayo

8.     Markii aaan la tashaday aqoonyahan iyo dhallinyaro badan

9.     Dhallinyarada oo noqday beerkii qadada lagu sugayey taas oo nimanka siyaasiyiinta ah ee xilalka doonayaa ay uga faa’iidaystaan inay codka helaan oo kaliya

10.                                                                                                                        In loo baahan yahay sidii loo curin lahaa sharciyadii iskaashiga iyo hay’adihii lacagta ee u adeegi lahaa bulshada

11.                                                                                                                        Ku shaqayn la’aanta iyo baal maridda sharciga dalka

12.                                                                                                                        Waxka- qabasho la’aanta caddaalada