Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer oo Xilal u Magaacabay Laamihiisa Togdheer si uu dar dar galiyo Hawlaha Xisbiga ee Gobolka.

0
89

Burco(Waaheen)-Munaasibad Balaadhan oo lagu qabtay saaka  Xarunta Dhee ee Xisbiga UCID ku leeyahay Gobolka Togdheer kana soo qaybgaleen Odayaal, Cuqaal, Waxgarad , Aqoonyahan, Dhalinyaro, Hawen iyo Marti sharaf kale ayaa lagaga dhawaaqay xilalka loo magacaabay 22 Xilo  oo ka mid ah xilalaka Gobalkaasi ,kuwaasi oo uu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Aadan Xuseen Maxamed.

Ka hor intii aanu guddomiyuhu ku dhawaaqin Magacyada Masuliyinta Gobolka iyo Degmada uu magacaabay waxa halkaas kelmado kooban ka soo jediyey Guddomiyaha Awal Bari ee Gobolka Togdheer Axmed Nur Shire, Mustafe Ismacil Cabdi oo ka mid ah Masuliyinta Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer, Xoghayihi hore e DawladdaHose Burco Cali Cabdi Jabane , Guddomiye kuxigenka Garabka Hawenka ee Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer Deqa Maxmed Yusuf,Mr -Nadaaro iyo Amina Carraale Muse oo ka mid ahayd masuliyinta maanta la magacaabay.

Masuliyiintan ayaa Dhammaantood si isku mida u cambaareeyey falkii

lagula kacay mulkiilaha HCTV. Farxaan Xaji Cali Axmed, iyo weriyaasha ka xidhan TVgaas, sido kale waxay aad u dhaliileen cabudhinta saxaafadda lagu hayo wakhtiyadan danbe.
Gebogabadiina Waxa uu Guddomiyaha Ucid ee Gobolka Togdheer Aadan Xuseen Maxamed  halkaas ka yeedhiyey Xilalka iyo Magacyada Masuliyiinta uu Magacaabay oo u qorna sidan hoos ku qoran’waxaanay kkal hayeen sidan”
1-Xil.Kayse Cabdi Raage  G/xigeenka G/Togdheer ‘2-Saleebaan Maxamed Cabdi Xoghayaha G/Togdheer 3-Mukhtaar Jaamac X.Diiriye(Nadaara) Xidhiidhyahay G/Togdheer ana Xoghayaha saxaafada 4-Aftax Maxamed Cawke Xoghayaha Abaabulka G/Togdheer 5-Faysa Muuse sheek Khasnaji G/Togdheer 6-Xamse Salebaan Maxamed G/ Garabka dhalinyarada ee G/Togdheer 7-Yaasin Maxamed AadanG/Xigeenka G/dhalinyarada 8-Faysal Ismaaciil Maxamed Xoghayaha Garabka dhalinyarada 9-Cabdi Xasan Cabdi Xogahayaha abaabulka garabka dhalinyarada.10-hadiya Maxamud ISmaaciil G/Garabka dhalinyrada G/Togdheer 11-Deeqa Yuusuf Maxamed G/xigeenka Garabka dhalinyrada G/Togdheer 12-laki Yaasiin Axmed Xoghayaha Abaabulka Garabka Haweenka gobolka 13-Cibaado Diirye Xasan Xidhiidiyaha Garabka Haweenka G/Togdheer 14-Khadra Maxamed Cali Gudoomiyaha Degmada Burco 15-Bashiir Ibraahin Maxmed G/Xigeenka Deg/Burco 16-Maxamed Aadan Maxamed Xoghayaha Deg/Burco 17-Maxamed Ducaale Maxa,ed Xidhiidhiyaha Deg/Burco 18-Xuseen X.Cabdi Abokor Xoghayaha Abaabulka Deg/ Burco 19-Maxamed Ciise C/laahi(M. Deeq) G/Dhalinyarada ee Gobolka Deg/ Burco 20-Maxamed iBraahin Muxumad G/Xigeenka dhalinyarada Deg/Burco 21-C/shakuur Cali Xirsi G/Grabka Dhalinyarada Deg/Burco 22-Aaamina Caraale Muuse G/Grabka haweenka Deg/Burco