Mulkiilaha HCTV Maxaa Lagu Maagay?

0
98

Miyey Guulwadeyn waayeen? Ma Khasabuu ku Balweyn waayey?Ma wuxu  tayo iyo magacba ka badiyey SLNTV? Miyaa la qadrrin kari waayey sumcadda uu usoo hooyey Somaliland  iyo dadaalka kaligii uu muujiyey? Mise biyo hoostood ayaa la iska haraatiyey?

Ma cadeyn karo guriga hantida qarran ee mulkiilaha laga saarayey sifo sideeya ayuu ugu jiray. Halkana ka odhana maayo saxbay aheyd in uu ku jiro iyo khaladbey aheyd toona.

Laakiin dhacdadii la doonayey in lagaga saaro Mudane Farxan Xaaji Cali gurigii uu ku jiray, runtii waxa ay aheyd mid aad iyo aad u foolxun oo waxashnimo ah. Waxay aheyd mid argagax ku riday dadweynaha reer Somaliland badankood.Waxa ay aheyd mid dhaawac weyn gaadhsiisay reer Somaliland gaar ahaan xukuumadda maanta jirta. Waxa dhacdadani ina xasuusisay gardarooyinkii lagasoo dagaalamay ee dhiiga loo qubay sidii la iskaga dhicin lahaa. Muwaadin qadarrin mudan in lagusoo dalbado ciidamo shaqadoodu ay aheyd la dagaalanka argagixisada waa xaajo qaroweyn oo ujeedadeeda la fahmii karrin.

HCTV waxa uu ka mid yahay, hadaanu ka ugu horeeyaba aheyn, TV yada ugu tayada wanaagsan ee Af-Somaliga ku hadla. Waa TV ku abtirsada Somaliland oo hantaaqda uu u geysto qaranimadeenu ay aad u yartahay. Waa TV ay haboontahay in reer Somaliland ay ku faanaan. Mulkiilaha HCTV wuxu mudanyahay in la qadariyo, sobobtoo ah kaligii ayuu hawshaa baaxadda leh u babac dhigay, oo hirgaliyey, oo waliba uu ka hirgaliyey caasimadda JSL ee Hargeysa. Mulkiilaha HCTV wuxu xataa, siday ila tahay, istaahilaa guri iyo wax ka badan in lagu maamuuso. Waxan qabaa in uu ka mudan yahay kuwa badan oo si madmadow ku jiro loogu wareejinayo hantidii dadweynaha.

Dhacdadani waxa kale oo ay  kusoo beegantay xilli dub loosoo celiyey UniversalTV  oo lagu yaqaano cadowtinimada iyo ixtiraam la’aanta uu u hayo qaranimada Somaliland. Runtii waxa ay aheyd in UniversalTV aan ooda laga roggin. Kolkaa waa sua’aal meesha ku jirta waxa HCTV  sidaa looga yeelay UniversalTV oo marar badan meelkaga dhacay qaranimada Somalilandna loosoo dhoweynayo. UniversalTV si badheedh ah ayuu ku yidhi uma baahni Somaliland oo in ka badanbaanu haysanaa. Kolkaa in la isweydiiyaa sow ma banaana sobobta loosoo dhoweysanyo ee loogu yeedhanayaa?

Alla Mahad leh