Wasiirka Hawlaha Guud oo Sheegay Guryaha Ciidanku la Wareegeen inay ka mid yihiin 14 Guri oo la Iibiniyey oo diiday inay Iibsadaan

0
95

“Waa Xaq dastuuri ah Iibka, Kaydinta iyo Hibaynta dhulka maamulkiisa cida Awoodaas leh waa Xukuumada, Madaxweynuhuna in Qaranka looga faa’iideeyo waxa uu caddeeyey 2013-kii” Wasiir C/risaaq
Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa markii ugu horeysay sheegay in Dawladu la wareegtay Saddex guri oo ka mid ah Toban Gurri oo ay Amar ka soo saareen, kuwaasi oo uu ku eedeeyey in aanay ka soo bixin heshiiskii ay la galeen Xukuumada ee lagaga iibinayey Guryahaasi oo ah Hanti dawladeed. waxa kale oo uu sheegay in guryaha kale ee soo hadhay dadkii ku jiray heshiiskii dawlada ay la galeen ay ka soo baxeen oo shuruudihii lagu xidhay ay fulinayaan.
Cabdirisaaq khaliif waxa kale oo uu ka hadlay Gurriga Muranku ka taagan yahay ee uu leeyahay Gudoomiyaha Telefeshinka HCTV Farax Xaaji Cali waxa uu sheegay in aanu heshiiskii uu la galay aanu ka soo bixin sidaasi daradeed ay ciidamadu la wareegeen, waxanu xusay in haddii uu bixiyo lacagta dawlada in uu dib ula wareegi doono Gurigaasi. Waxaanu Wasiirku Sidaasi ku sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Hawlaha Guud oo faahfaahinaya Go’aanka ay ka soo saareen dadka Guryaha dawlada ku jira ee ka soo bixi waayey Heshiisyadii ay galeen ayaa waxa uu yidhi “Maalmahan Waxa Warbaahinta ku badnaa Guryaa la iibiyey ama Guryaa la Bixiyey, marka kowaad waxaan doonayaa in aan cadeeyo in aanay ahayn wax la qarsanayo ee ay tahay Xaq dastuuri ah, dhulka maamulkiisa haddii ay ahaanayso in qarankan loo kaydiyo haddii ay tahay in la iibiyo, iyo haddii ay tahay in cid ku haboon la siiyo oo la hibeeyo cida Awoodaas leh waa Xukuumada Maanta jirta, laakiin ninka banaanka jooga ee aan waxba hayn xilkiisa ma aha.Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey maadaama Guryihii dawlada aan sidii ay ahaayeen looga faa’iideysan oo ay in baddan gacanta shacabka ku jireen, ayaa waxa laysla qaatay oo Madaxweynaha Somaliland khudbad sanadeedkii 2013-ka uu ku daray in guryahaa hantida dawlada la iibin doono loogana faa’iideysan doono qaab ay kaga Faa’iido baddan yihiin sida Imika ay yihiin.

Tusaale hadaan u soo qaato Halka guri ee qof shacab ahi uu haysto ee ay kiro ahaan ay inaga soo gasho Konton Dollar, dhibaatada soo gaadha gurigaasi oo aynu sanadkii dib u habeyn ku sameeya aynu nidhaahno waxay noqonaysaa Lix boqol oo Dollar, Marka ma waxa uu ku faa’iido baddan yahay in qarankan looga faa’iideeyo halkii qof kali ahi uu ka faa’iideysan lahaa oo shacabkii wadda lahaayoo dhami ay ka faa’iideystaan mise in uu qof kali ahi ka faa’iideysto iyada oo aanu u tudhayno muwaadiniinta xaqna ay u leeyihiin in ay ku nooladaan”Ayuu yidhi.
Wasiirka oo Hadalka sii watana waxa uu yidhi. “Marka Gudidii loo Xilsaaray Guryahaasi waxanu ka dhignay Dhawr qaybood, Qaybta hore 14 Gurri oo ah guryihii dadka ganacsatada ahi la wareegen ee gacanta ay ku hayeen oo runtii intooda badani ay danaynayeen ayaanu ka bilownay in hawshaasi iyana usoo bandhigno, bishii April waxaanu la kulanay dadkii Guryahaasi ku jiray waxaanuna u sheegnay in dawladu baahi u qabto dhulkaasi, sidaasi daraadeed aanaan rabin in dadkaasi si dirqi ah uga saarno guryahaasi, waxanuna u soo jeedinay in guryahaasi la iibin doono oo dad madaxbanaan ay soo qiimayn doonaan, isla markaana mudnaanta la siinayo dadka ku jira, qofka iibsan kari waayana lacagtii kaga baxday guriga waa loo celinayaa, markaa Afar iyo tobanka qof qaar ka mid ahi Heshiiskiibay galleen, kuwii kalena heshiiskii may galin, marka waxa la siiyey digniino kala danbeeyey oo gaadhay muddo afar jeer ah, marka gabogabadii dadkaasi heshiiskii waa lala galay, marka Dawladu waxay la wareegtay dadkii aan Heshiiskii Fulin, waxa Haatan Ciidamo joogaan oo gacanta ay ku hayaan Saddex Guri oo guryahaasi ka mid ah intii kale dawladu heshiisbay la gashay, guryahaasi laydiin buunbuuninayaa waa intaasi.”Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq khaliif waxa kale oo uu sheegay in Lacagta ka Soo baxda Guryhaasi ay ku dhacayso Qasnada Dawlada “Guriyihii Hore ee Dawladii Riyaale Bixin jirtay lacagta ka soo baxdaa waxay ku dhici jirtay oo ay noqon jirtay hanti gaar ah, laakiin lacagta aanu anagu qaadayno waxay ku dhacaysaa Qasnada Dawlada waxanay ka muuqanaysaa Dakhliga Dawlada ee Miisaniyada 2015-ka”Ayuu yidhi Wasiirku.