Wasiir Cukuse Oo Wayab U Magacaabay La Taliyihiisa Gaarka Ah

0
51

Hargeysa(Waaheen)- Sida ay baahisay idaacada dawladda ee Radio Hargeysa Wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa la taliyihiisa gaarka ah u magacaabay tafarihii hore ee HCTV C/laahi Wayab,

 

kaas oo Khamiistii hore si kadis ah iskaga casilay xilkii uu ka hayey telefishankaasi.

Waxay ahayd Sabtidii hore markii guddoomiyaha wargeyska xukuumadda ee Dawan Sayid Cismaan Mirre iyo tafatirihii HCTV C/laahi Aadan Cumar (Wayab) iyaga oo wada socda ay wada galeen xarunta madaxtooyadda, halkaas oo ay kula kulmeen wasiirka madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan oo sida la sheegay isagu soo qorsheeyey shaqadan cusub ee Warfaafinta looga magacaabay Mr Wayab, isla markaana C/laahi Wayab ayaa maalintaas madaxtooyadu u qortay woxogaa kharash ah oo aan aad u badnayn, iyagoo oofiyey shaqadii warfaafinta ee hore ay madaxtooyadu u balanqaadeen.

Sida la ogsoonyahay telefishanka HCTV ayaa todobaadyadii u danbeeyey baahinayey warar iyo barnaamijyo dhaliil iyo dhaleecaynba usoo jiiday maamulka madaxwayne Siilaanyo, taas bedelkeeduna ay xukuumadu kaga jawaabtay inay maanta ciidan RRU ah dul dhigto oo ay la wareegeen guriga mulkiilaha telefishankaasi Farxaan Xaaji Cali.

Xukuumadda Siilaanyo ayaa la soo baxday dhaqamo xunxun oo Somaliland u horseedi kara burbur, iyadoo mar walba abaabusha madaxdhaqmeed iyo shaqsiyaad waji ku macaasha ah oo ay kafaalo qaado kharashka ay warbaahintu ka qaado, isla markaana ay iyaga woxogaa sacabada u saarto, halka ay hay’addaha warbaahinta ee warar ka dhan ah baahiyana ay albaabada u laabayso, ayna cid wal oo ka hortimaada ku qaadayso sharci ay cidhiidhi ku galinayso nolasha shaqsiyaadka iska leh hay’adaha warbaahinta ee madaxabanaan.

Dhinaca kale la taliyaha cusub ee wasiir Cukuse Mr Wayab ayaa isagu sanadkii hore sidan oo kale uga tagay shaqadii uu ka hayey wargeyska Hubaal ee sida ba’an usoo bandhigi jiray dhaliilaha xukuumadda Siilaanyo ka dib markii ay u gacan haadiyeen Sayid iyo wasiirkii warfaafinta ee xiligaas Abiib Diiriye, isla markaana markii uu ku hungoobay gacan haadin xukuumadda ayuu dib ergo baddan ka dib ku noqday shaqadii uu ka hayaye HCTV, iyadoo sida la sheegay maamulka telefishankaasi ay u arkeen nin wayn oo u baahan in la gacan qabto si uu u helo masaariifta qoyskiisa.