“Weriyaha Aan La Siyaasad Ahayn Warbaahintiisa Waxay kala noqonayaan Shaydaan iyo Malaa’ig labadaasina isma raaci karaan. “Guddoomiyaha SOLJA Ee G/Sanaag”.

0
58

 weriyayaashaCeerigaabo(Waaheen) “Shirkan jaraa’id ee aannu maanta isugu nimid waxannu ku taageeraynaa Go’aankii Ururka SOLJA kaga jawaabeen hadalkii ka Soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta C/laahi Cukuse ee kusaabsanaa Xeerka saxaafadda iyo in wasaaraddiisu aqoonsi u samaynayso”. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiyaha SOLJA Ee G/Sanaag Mr-Darwiish oo ka hadlayey shir-jaraa’id oo weriyayaasha warbaahinta madaxa bannaani sabtidii ku qabteen magaalada Ceerigaabo

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Warbaahintu waa laba qaybood markaa warbaahinta xukuumiga ah ama koor sanqadha ha laga laadlaadiyo ama kaadhadh ha loo sameeyo laakiin warbaahinta madaxa bannaani waxay kazoo jeeddaa oo lagala xidhiidhayaa Institutions iyo ururrada saxaafadda  Xukuumadduna kuma jirto golayaasha xeer-dejinta sidaas awgeedna xaq uma laha inay xeer soo saarto”.

Isagoo ka hadlayey qaar ka mid ah weriyayaasha xukuumadda oo shir maalin ka hor ay qabteen ku sheegtay in warbaahinta Sanaag taageersan tahay hadalkii Wasiir Cukusue-na wuxu yidhi “Ninkii shalayto halkan ka hadlayey ee lahaa saxaafaddu waxay taageersan tahay hadalkii Cukuse waa beenti mana taageersanin laakiin waa nin 25 sano Isuduwe ilaa Waashmaan ilaa dareewal ilaa weriye kelidiis meesha ka ahaa oo way ula ekaatay inuu saxaafaddana metelo waxanse leeyahay Wasiir ninkaasi siyaasaddaada ayuu fulinayee u abaal gud laakiin annaga nama metelo namana meteli karo”

Isagpoo ugu danbayn guddoomiyaha SOLJa ee G/Sanaag talooyin usoo jeedinaya warbaahinta madaxa bannaan wuxu yidhi “Warbaahinta madaxa bannaan waxan kula talinayaa in weiyuhu la siyaasad noqdo warbaahintiisa tusaale ahaan Inanka Kalsan TV haddii uu la siyaasad noqon waayo TV-giisa dee ma wada shaqayn karaan waxayna kala noqonayaan Shaydaan iyo Malaa’ig labadaasina meel ma wad a maraan”.