MAHADHOOYINKII XAGAAGIYO MAALMIHII KU SUNTANAA.‏

0
106
lahaayeen wixii aad adigu abyantay, waa min aayaatihi!!!! Iyaba waa cibaaree, ku cibra qaata, aan ku noqde, fekerka banii-aadamka iyo mucjisooyinka ku lammaan, iyo walaxdaas yari qaabka ay u shaqayso iyo xawaaraha iyo masaafada ay jarayso ilbidhiqsiyo yar gudohood, wixii weydiimo ahaa ama su’aalihii aan hore isu layliyay, jawaabohoodii maan heline, haddana bog cusub baan furayaa, maxay ahaayeen su’aalahani?
Markaan eegay inamadan dhaqan celinta ah, waxaa iisoo baxday inay yihiin hordhac iyo tusaale laga dheehan karo kuwa badan oo innaga maqani siday udhaqan yihiin, waxaan iswaydiiyay sidan:
1) Durba waad aragtaa dhalintan qurba joogga ah iyo caqliga ku jiraba, su’aashu waxay tahay, tallow maxay waddankan kusoo kordhin karaan?
2) Horta mala hayaa tirakoobka guud ee qurba joogga Somaliland ahaan inaga maqan, meeshay doonaan ha joogeene?
3) Waxaynu aragnaa xukuumaddan siilaanyo hoggaamiyo inay aad u buunbuunisay qurba joogga iyo siday ugu milmeen hay’ad kasta oo maamulka siilaanyo hoos tagta, iyo weliba xisbiyada kalee qarankaba, mala qiimeeyay oo mala isbarbar dhigay wax-tarkooda iyo wax- yeelladooda?
4) Mala iswaydiiyay, Diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, horumarka guud, caafimaadka, arrimaha bulshada, deegaanka, siyaasadda, keebay ku wacan yihiin?
5) Haddii wax-yeelladoodu ka badato wax-tarkooda, maxaa qolqol joogga (kuwa dalka jooga) uga meel yaal?
6) Kee baa mudan in la maamuuso qurba joogga iyo qolqol joogga?
7) Labadan kooxood kee baa dalka, dadka iyo diinta u lexejeclo badan?
8) Waxa la arkaa rag iyo dumar qurbaha ka yimi soona guur doonta weliba hanti badan ku baabi’iya aroosyo aan dhaqanka iyo diinta ku bannaanayn, ilaa heer ay gaadhay in dhalintii qolqol joogga guurku ku qaali garoobo, dhalintiina ay ku taamaan rag iyo dumarba ruux qurbe ka yimi inay helaan, taasina ay lumisay milgihii iyo maamuuskii guurku lahaa, waxayna sababtay furriin degdega maadaama guurkii aanu dookh iyo doorasho toona ku iman, balse uu ku yimi hunguri, xiise dhoof, ama ruux loofaraya, (tumanaya) mala iswaydiiyay maxaa inooga meel yaal?
9) Haddii guurka daacad laga yahay, maxay iyagu isu guursan waayeen qurba jooggu? Illayn rag iyo dumarba way joogaan halkay ka yimaadeene.
10) Maxaa la qarinayaa ee ku duugan in dalka loo soo guur doonto iyagoo dhaqan ahaan ka yimi kuwii ay is fahmaayeen, kuwa kaloo aanay isfahmaynin dhaqan ahaan iyo af ahaanba (ka dhaqan duwanna) usoo doonteen?
11) Qoysaska debeda loogu maqanyahay maka war hayaan oo ma dammaanad qaadayaan in dadka u maqani in ay beri ka yihiin (nadiif ka yihiin dhaqano xun xun) wax aanay diintooda, dadkooda, iyo dalkoodaba raali ka ahayn?
12) Weli mala iswadiiyay, ama mala qiimeeyay guud ahaan, oo shaqsi waliba gaarkiisa ma u cabbiray 25 -30 (Shan&labaatan ilaa soddon) sano ka dib saamayn intee le’eg, bay qurba jooggu ku yeelan karaan, nidaamka maamul, mid diineed, mid bulsheed, iyo mid dhaqanba?
 Dhammaan su’aalahani waa qaar aad u adag in si sahlan looga jawaabo, balse waa qaar mudan in laga doodo oo si daacada loogu helo jawaabo waafiya, waxayna muhiim u yiihiin masiirkeena iyo sidii loo heli lahaa bulsho dhawrsoon, waana mid uu iswaydiin karo muwaadin kastoo in uun maankiisa wax ku cabbiri kara oo lexejeclona uhaya  dalkiisa iyo dadkiisaba.
Waxaan u malaynayaa gartii adkaydee aan ku raagay, iyo qiimayntaydii dhalintaas qurba joogga ahayd iyo qaabkay u fekeraayeen, inay sabab u ahayd su’aalahan, bal hadda u fiirso akhristoow, shan wiil oo da’ yara bay ahaayeen, waxay cuskanaayeen qodobbo adag oo ay xuquuqdooda ku raadsanaayeen, oo sidii ay u doodayeen waxaan odhan kara dimoqraadiyadi kama madhnayn odhaahdooda, dagaal iyo iska caabinba diyaar bay u ahaayeen, dad ajaanib ah ama qaar habaabay oo la doorsaday inay yihiin, waad ka daalacanaysay ficilladooda, intaas oo laysku badhxayna lebbiskooday ku dheehnayd, bal akhristow iswaydii markay soo battaan oo kumanaan amaba tobanaan kun soo gurya noqdaan, oo kob iyo karinba saameyaan (Gacanta ku dhigaan), kuna gaashaaman yihiin waxyaabihii aan ka soo sheekeeyay, dimoqraadiyadiina ku hubaysan yihiin, dhaqan xumaduna saanad u tahay, maxaa laga filan karaa? Waxaan udaayay jawabahaas, waa muwaadiniinta dhabta ah ee in uun u damqanaya am aka fekeraaya aayaheena dambe. Waxaa tusaale kuugu filan ninbaa iiga warramay in dhismihii kiniisaddii hargaysa, ee xilligii gumaystaha la dhisay balse muda dheer dunsanayd (Kharaabad) waxay ku oolli jirtay wasaaradda maaliyadda dhankeeda bari, hadda waxaa lagu xidhay goobtaas dayr kaasoo ku dhereran illaa madaxtooyada, sida la sheegay markii dayrka la dhisaayay in la is yidhi dumiya kana xaadha burburkii iyo hadhaagii dhismaha, balse safaaradda ingiriiska ee Itoobiya ay diidmo kala hor timi iyagoo ku dooday inay taariikh utahay dawladooda, sidaas darteed xukuumadeenuna way ka aqbashay oo dayrka waala dul mariyay hadhaagii kaniisaddana uu weli sidiisi yahay balse dayrku kaa qarinaayo maadaama uu kor u dheer yahay dhismaha xayndaabku, run iyo been mi ay tahay ma hubo anigu, iyaga iyo allahoode waa sidaan warka ku helaye, haddii taasi jirto, waxa maankaygu cabbiray, ujeeddada dawladda ingiriisku ka leedahay waxay iigu muuqatay, wuxuu sugayaa in maruun dad isaga tageersan ama diinta  kiristaaniyadda haysta ay waddankan ka talin doonaan, sida ifafaaluhu yahayna wuxuu rajo ka qaba dadkaas waddankan Somaliland  u dhashay ee ku filiqsan daafaha dunida inaan laga waayi doonin qaar fekradahaas aaminsan, haddii aad dib uu jalleecdo su’aashii 12 aad farrinta ay xambaarsan tahay iyo warbixinahan danbe jawaabtu si toosa ayay kuugu muuqanaysaa, laakin sidaan horeba uga cudur daartay ma hubo wax ka runa, iyaga iyo allahoode balse waa sidaan maqlay, siday doontoba ha ahaatee, sansaanka inoo muuqdaa, iyo sidaynu uga dhega la’nahay, amaba indhaha uga qarsanayno, waa mid aan filasha wacnayn.
Guntii iyo geba gebadii tani waa dhacdo yar oo ka mida amuuro isku xidhan isna sudhan laguna arko farasmagaala kasta oo Somaliland ku yaal, haddaan si kale u dhigona wuxuu hordhac uyahay bug haddii ilaahay ka dhigo soo bixi doona mustaqbal ka dhow lana yidhaahdo HAYYAANKII DUNIDA IYO HADIMADA QURBA JOOGGA kaasoo koobsaday dhammaan ficillada la yaabka leh iyo dhaqamada argagaxa leh ee qurba jooggu dalka ka sameeyeen, waana diiwaan laga soo uruuriyay gobollada Somaliland iyo bulshadan naxariista u baahane haddana lala baraystay hantaaqada.
Dhamaad.
Wa Billaahi Tawfiiq
Waxaa diyaariyay                Maxamoud Jamac Axmed (MJKenya) Chairman of East African Inistitute of Research