Maxamed Xaashi,Shalay iyo Maanta: Siilanyo Nin Qabiil Maaha iyo Siilanyo Waa Qabiili.‏

0
106

Aduunyada   Qofka waxaa lagu qiimeeya  Taariikhdiisa iyo Hadaladii uu shalay lahaa iyo kuwa uu maanta leeyahay inay isku mid yihiin, Diinta islaamkuna,  Qofka  muslimka ee saxda ah waxay ku qiimaysa  Qawlkiisa iyo Dhaqankiisa,, Hadii  haddalka uu shalay

lahaa uu maanta  beeniyo, ka uu maanta leeyahayna uu beri beeniyo, illaahay ha inaga hayee, Qofkaasi  wuxuu ku jiraa  Khatar  dhinaca  diinta ah, waayo  qofkaasi wuxuu yeelanaya  dhaqanka Munaafaqiinta. Beenta iyo Musabidkuna waa wax looga wanaagsan yahay  qofka  Muslimka ah. Haddaba  Maanta  dadka  Somalidu,siiba Siyaasiyiintoodu waxay  qabatimeen, in haddalkoodu iska hor- yimaado, oo wixii ay shalay UMMADA u sheegayeen  inay maanta beeniyaan, waxay maanta u sheegayaana inay Beri Beeniyaan.Waxayna  dadka u haystaan,  dad Cawaan ah oo wixii la doono loo sheegi karo, Mise oga in  dadka Somalidu hore uga maah maahday qofka aan  Haddalkiisu fadhiyin ee marba wuxuu yidhi  beeniya, hore ayayna ugu maahmaaheen,  Illahaw  Haa iyo Maya, Meel hanagaga wadda Yeedhsiin.
 
Haddaba  waxaan  akhriyay   Saddex Sano ka hor, Maxamed Xaashi oo markaas ahaa Wasiirka Maaliyada Somaliland, oo laga waraysanayo  in  Madaxweyne Siilanyo   Qabyaalada iyo Musuq Maasuqa yaqaano, iyo inuu  reerkiisa u qaraabo kiilo iyo in kale.
Waxaa kale oo uu ka waramaya   kala  duwanaanshiiyaha   Dawladii Riyaale iyo Dawladii  Siilanyo ee uu ka tirsanaa.
Haddaba  Shalay oo  bishu ahayd  05-11-2014  ayaan akhriyay  waraysi uu   Wargeyska  Geeska Afrika  la yeeshay  Maxamed Xaashi Cilmi, Wuxuuna ku  dacwoonaya  Dawladiii hore ayaa dhaantay  tan maanta jirta,  Wuxuu kale oo sheegaya in  Daahir  Riyaale Kahin ka qabyaalad yaraa  Silanyo,  Kana maamul wanaagsana oo uu dhaamay isagu.  Bal aynu labadaas  Waraysi oo  Saddex Sano u dhaxaysey, Halkan idiinku soo gudbiyo,  Labadaas hadal ee Iska  hor imaanayana  Bulshada ayaan u daayay inay ka Waranto ka Runta u dhow.
Maxamed  Xaashi  Cilmi: Shalay.  Wednesday, October 26, 2011.
 
 “Anigu maan arag meel jeeg ka baxaayo iyo cid jeegag la siinaayo, waayo dee anigaa Wasiirkii maaliyada ah oo bahashaba haya oo waan arki lahaa, Madaxweynaha Somalilad (Axmed Silaanyo) runtii maaha nin qabiili ah ama qabiil ku shaqaysta, umana dhalan oo waligii laguma arag arrintaas, umana baahan  maantana uma baahna, markii doorashada lagu jiray dee dadku qaab qabiil ayay isu abaabulayeen oo codadka ku bixinayeen waxna isku tarayeen, lakiin Axmed Silaanyo loogama baran nin ku dhagan qabiilka. Waana arrin iska dabiici ah in beesha Madaxweynaha markasta la yidhaahdo dadka way uga dhawyihiin, oo taas guud ee ah hebel iyo hebel waa isku qabiil oo way is xigaan waa taas uun ayaan filayaa. Waxse gaar ahi ma jiraan. Mida kale beesha intaas leeg ee Yurub iyo America iyo adduunka oo dhan joogta ee shiikh iyo shariifba leh yaa waydiiyay amase cod ka qaaday inay beelnimo wax ku helaan, miyaanay gef ahayn. Markaa taasi ma jirto Madaxweynahana kama suurtowdo. Midbaanse ku sheegayaa, qolada Udub ma inay dib isu habeyaan oo ay isa saxaan mise udubtii hore, Udub inay maanta hadasho meeshaba mataal. Illahay ayaa nosoo diray oo haddii ay laba bilood doorashadu daahi lahayd dalkuba wuu dumilahaa, marka aanad afar bilood mushahar bixin, ee raashinkii ciidamadda lagugu leeyahay, ee waxaas oo dhan taagan yihiin waxaa ku hadhay waa maxay. Waxaan leeyahay qoladaas Udub yagu dhibtay dalkan u gaysteen way ogyihiin, Waddan qalfoof ah ayay ka tageen, marka yaga hadalba uma yaal.
 
“Madaxweynaha Somaliland nin lacag inuu dalkan ka dhaqdo u baahan maaha, sidii qoladii hore (Xukuumaddii Daahir Rayaale) u isticmaali jirtay haaf milyan ayaan ka qaatay hebel ee badh cashuurta uga goo badhna kastamka ka sii, nin dariiqadaas yaqaana maaha, waa nin Mushaharkiisu ku filan yahay. Baahina uma qabo inuu wax ka uruursado, marka xaggaas saxiib ayaanu ka nahay isku rayina waanu ka nahay. Xagga kale wali maan arag wax daw ah oo aan ula tago oo uu igu diido, wixii daw darro ahna ulama tago, qofna maaha in loola tago. Nin been sheegana maaha Madaxweynuhu oo wixii aad waydiiso sidii ay tahay ayuunbu ku sheegin. Tan khilaafka ay dadka qaar rajaynayaan wax jira maaha saan saankeeduna ma muuqdo, ana waan shaqayn isna wuu shaqayn dalkuun baanu u wada shaqayn, in aanu magac ka tagno weeye u jeedadayadu. Isna wakii muddada dheer SNM guddoomiyaha u ahaa, marka annagu maanta in aanu ummadda wax uga tagno mooyiye in aanu wax gaara ka tabcano meesha uma joogno. Taas uunbanu ku heshiisnahay.”
 
Maxamed  Xaashi  Cilmi: Maanta .  Wednesday,   05.11.2014.
 
 “Awrka dambe Awrka hore socodkiisa ayuu leeyahay, Maareeyihii hore ee Dekada ayuunba halkii jooga, Macdantuna waa sidii waxba ismay bedelin, Daarihii ay bixinayeen Xukuumaddii hore ee ahayd Talabadii xumayd ee ina Rayaale bilaabay wali wey socotaa, oo wali waatan la urursanayo, Nin walba oo Wasiir ah waxa la odhanayaa Daartaas ayaa la siiyey oo loo hibeeyey,waxan oo dhan waa la iskaga iman, oo Umadda ayaa iska leh, oo ka dhexeeya, kolka si loo eego xaggaa Qabyaalada  Daahir Rayaale ayaa ka qabyaalad yaraa Axmed Siillaanyo, sida imika muuqatana Madaxweynaha jooga waxa uu dhammaa Madaxweynaha soo socda, Cigaal  ayaanu ka cabanay, Rayaale ayaa ka dambeeyey, oo Rayaalena Siillaanyo ayaa ka dambeeyey, oo waxaynu nidhi wakhtigii Daahir Rayaale salamulaa Cigaal, waxayna imika sii maraysa salamulaa calaa Rayaale, oo Madaxweyne walba ka uu ka dambeeyo ayuu ka liita, inta imika ina soo martay Taariikhda”
 
 Suleyman  YusufDhakhtar
Baynani@hotmail.com
Facebook/Suleyman Yusufdhakhtar
Nijmegen,  The Netherlands.