Maanso la yidhaahdo Dadban: oo ka hadlaysa Cadaalad darada

0
215

 

Maansadanoo la magac baxday dadban waxa ay soo baxday 21.May.2014 waxaana curiyay hal-abuur Cabdikarim Bocood Ibrahim. Waxaay ka turjumaysaa dareenka dadka wakhti cadaalad la’aan, cabudhintii saxaafada, ku tumashada xuquuqul-insaanka iyo musuqmaasuq baahsan ay bulshadu ka cabanayso hadana in uu madaxwayne siilaanyo mar danbe yidhi  ha lay doorto isaga oo aan waxaa dhibaato jirta oo ay qabyaalada lagu sheega ugu darantahay aanu waxba ka qaban. Maansadani waxa ay aad ugu nuux-nuuxsan doontaa saxaafada iyo doorka ay bulshada kaga jirto iyo in ay xaaraan tahay in la cabudhiyo amaba la xidh-xidho waqtigan oo la joogana sida ka dhacday gabilay gar-adagba.Waxaanay odhanaysaa:

 

 

 

 

 

 

 

 

Dal yahaw waar yaa dadyahaw

Dalyahaw soomaliland

Dareen shacab baad ku timi

Dedaalkoodaad ku timi

Xinjiro daataad  kutimi

 

Maxaa dirac loo deldelay?

Maxaa doodyahan ku maqan?

Maxaa deeqsiyo galbaday?

Maxaa dumar iyo caruur

Daraadaa hoog gashaday?

 

Wixii dacar iyo dhunkaal

Dadkaagu u kow sadeen

Wixii dakanooyin dhacay

Dawaad qalin baa xustaye

Docdeeda waxaan ku idhi

 

Ha duugin ha daalacnaan

Ha diirmin ha dowdarnaan

Ha duufin diraac ha noqon

Ha daaline daadah baro

 

Dal yahaw waar yaa dadyahaw

Dantaadiyo aayahaa

Cakuye deganaan shahaa

Waxay daw mari karaan

Dadkaagu markay noqdaan

Ul iyo diir wada jiroo

Hadana qaranimo dugsada

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Duruufuhu waa cibrada

Masiibadu waa digniin

Barwaaqadu waa dagnaan

Garaad-darantaan aqoon

 

Rabiga daayina ka baqa

Ilaah baa deeq baxshoo

Cidduu darajaynayaa

Dihniga kama iilatoo

Dariiqa xaqay martaa

 

Dalyahaw waar yaa dalyahaw

Dadkaagu kun nooc ahaa

Damiirku is dhaafsanaa

Dushana duud qudha ahaa

Maxaa hun u duuul ka mida

Maxaa hal u duul ku jira

 

Docdeeda waxaan ku idhi

Daymada waaqlaha lahaw

Intii han u dirira raac

Intii daacada la deris

Midkaan kuu diir naxayn

Dermada hawsoo furfurin

 

Dalyhaw waar yaa dadyahaw

Af-miishaar waa dilaal

Dabbaal maahee  la soco

Halkii duxli waa u door

Bartii dufan luu jiraa

Dantiisa hadduu ka helo

Dig iyo waa guul-wadayn

Dalqadu way kula shaqayn

Hadduu waayana u daran

Mabada’u daganaan ka madhan

Sidii gabbal-daye cadceed

Dhankeeda usii dug yidhi

Haddana soo daalac yidhi

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Digteetarku waa maqluub

Wuxuu ka durkaa sharciga

Dastuur falan buu sitaa

Wuxuu daaraa mugdiga

Wuxuu damiyaa ilays

Dadkiisu ku rayn lahaa

Durbaan kana waa walaal

Haddaan sacab loogu darin

Ammaan loogama dig siin

Dhaliishiisuu dedaa

Ciddii u dardaarantee

Danaha qaran toosi tidhi

Haddaan jeel loo dalqamin

Docdeeda gujaa ku maqan

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Doraad shalay iyo haddeer

Dadkaagi muxuu u go’ay?

Maxaa dabar gooya yidhi?

Su’aashaas iyo da’deed

Dharaaruhu duug ma noqon

Daboolka ka qaad dhacdada

Debnuhu yaan juuq ku odhan

Dabuubi miyaanay dhihin?

Dabeed gobanimo u dirir

Damiirku miyaanu odhan?

 

Waxaan u dallaynayaa

Abaal dedan baan arkaa

Dirxiga boog sii qod-qoday

Wuxuu uga daadegaa

Duf iyo malax sii dhextaal

Docdeeda waxaan ku idhi

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Saxaafadu waa hal dihin

Amaba waa ilo dur-dura

Qofkii diihaal qabaa

Dar kuu ka dur-duuran karo

 

Dalyahaw waaryaa dadyahaw

Saxaafadu waa difaac

Godkii qaranimada dura

Dareenkiisay heshaa

Dabeed u digtaa bulshada

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Saxaafadu waa duruus

Dallayn iyo waa caddayn

Wixii taariikh la dagay

Dadkeeda u kaydisoo

Dabeetana laga dhaxlaa

Xalkiyo deganaanshahaa

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Saxaafadu waa dareen

Shucuur weeyaan dadnimo

Xidhiidhkii dawladiyo

Bulshada soo doorataa

Halkay iska diidayaan

Bartay isla doonayaan

Ayay dermadeeda tahay

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Hadday diiradi wax-qaban

Saxaafadu waa u door

Danbiilaha way ku ciyi

Daqiiqado way ku heli

Ninkii danta guud dal-dala

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Saxaafada hiil u daa

Miskiin deeq bay u tahay

Dulmiga cadaw bay u tahay

Digniin kibir bay u tahay

Aqoon damal bay u tahay

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Saxaafadu waa daryeel

Dariiq nabaday dhistaa

Duruusta shiday hagtaa

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Waxaan dallo soo dhigdhigay

Dareen gaaray sidaa

Dallaalin waxay u tahay

Dibaaq oo waa xor hadal

Dabuubtaadaa milgo leh

 

Dalyahaw waar yaa dadyahaw

Dir-sooca miyaan la nicin

Qabyaalada layska dayn

Docdeeda waxaan ku idhi

Hadday duqi geel dur-durin

Inuu aaranku ka dari

Horay deel uga dheheen

 

Anaan kuu duur-xulayn

Haddii derajiyo mudnaan

Daruuraha lagu du ldhigay

Sinaan iyo dawladnimo

Maxaa dooxyada ku daray?

Maxaa daad-xoor ka sdhigay?

 

 

 

 

 

 

Wax baba yay ila durkine

Murtida aan soo dadbee

Cadaalad adoo derderay

Durreeyay saxaafadii

Dalkina dalanbaabi yahay

I doorta haddaaad na tidhi

Dhurwaa adhigaa dabbaal

Miyaan laga daalin tolow?