Dhaca iyo Boobka ay wakaalada Biyuhu ku hayso dadka Ajnabiga ah ee wadanka Degan gaar ahaan shaqaalaha Safaarada ethopia : Sacdiya Hasan

0
143

sacdiyaSomaliland waa wadan yar oo aan weli la ictiraafin isla markaas ay soo mareen wadax weynayaal kala duwan waxaa uu dhaqaaliisihu ku xidhan yahay xoolaha iyo beeraha iyo weliba cashuurta laga qaado dekeda ber bera .

Dawladani waxay caadaysatey in ay shacabka dhac cadaan ah kula kacdo gaar ahaan dadka ajaanebiga ah eek u nool wadan Somaliland tusaale ahaan shaqaalaha safaarada ee athopia iyaga oo wakaalada biyuhu ka qaadayso lacag dhan 170$ isla bil walba tani waxa ay ka mid tahay dhaca iyo boobka ay ay la timid dawladan siilaanyo gaar ahaan wakaalada biyaha oo noqotay wakaalada ugu boobka iyo dhaca badan ,tuiugta ugu badanina ay joogaan .ethopia waa wadanka ugu badan ee Somaliland la saxiibka ah isla markaasna ay si buuxda u aqoonsan Somaliland.

Hadaba wakaalada biyuhu waa mida ka shaqaynaysa in uu kala go,o xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo iyaga isla markaas ay noqdaan in ay iyaguna dhinacooda sameeyaan cashuur kordhin ,visaha lacagtiisa oo ay kordhiyaan iyo in ay kirada guryaha ee wadanka ethopia qaali kaga dhigaan dadka rer Somaliland ee degan ethopia tanina ay abuurto cadaawad ka dhaxaysa labada wadan ilaa ay gaadho in uu dhamaado xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan .

Hadaba waxaan u soo jeedinayaa dawlada kulmiye in ay la ogtahay wakaalada biyaha lacagtan xaaranta ah ee ay ka qaadayaan dadka shaqaalaha ah ee gurigayga ku jira iyo in ay tuugta wakaalada biyuhu iska samaysteen sharcigan oo ay dadka ku dhacayaan oo bililiqo iyo boobka iyagu isku tashadeen.

Dawladii riyaale sidan umay faquuqi jirin dadka ajaanebiga ah tani waa waxyaabaha foosha xun ee weji gabaxu ku jiro ee ay la timid dawlada siilaanyo ,iyaga oo dhacaya xoolaha dadka  ay biyaha ugu jiran waayo waxay ka qaadayaan lacag aan saacada biyuhu soo qorin oo xaaran ah.

Ugu danbayn waxaan leeyahay dawlada siilaanyo ma waxa laguu doortay in aad shacabka dhib u horseedo waayo hadii aad manta tan wax ka qaban waydo waxay keenaysa in labada wadan ee Somaliland iyo ethopia ay noqdaan labo wadan oo kala go,a isla mar kaasna ay noqdaan kuwa cadaw isku ah uu xidhiidhka ka dhexeeyana uu halkaas ku dhamaado isla markaasna dhibta ugu weyni waxay soo gaadhaysaa dadka shicibka ah Somaliland gaar ahaan kuwa degan ethopia in kasoo cararaan wadankaas khaasatan kuwii wax barayey ama adeegyo kale oo wax qabad u joogay ethopia isla markas ay ethopia xaduudeeda xidhato oo aanay jirin cid u gudbaysa iyo cid kasoo gudbaysa midna.

Waayo baahida ugu badan dadka reer Somaliland baa u qaba ethopia iyaga oo ay siiyaan deeqo waxbarasho aradayda iyo adeegyo caafimaad ,dhibka ugu weynina uu soo gaadhi doono shacabka somalailand taasna uu u horseeday madaxweynihii ay soo doorteen iyagu .

Hadaba ugu danbayn waxaan leeyahay siilaanyo miyuu la og yahay siilaanyo dhacan iyo boobkan iyo fajidan lasoo laaqay si loo gooyo xidhiidhka ka dhexeeya lababa wadan ,hadii uu og yahay waa in uu sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaa hadii kale isga ayaa farta dhexda ka qaniini doona oo marka ethopia wax walbo qaali kaga dhigto dadka reer Somaliland iyagoo yaacaya madaxtooyada ku jejebin doonan .

Tani waxa ay albaada u laabaysaa jiritaanka Somaliland iyo xidhiidhka ay caalamka la leedahay iyada oo laga soo oodayo caalamka intiisa kale.

QALINKII : sacdiya hasan jama mataan ,HARGAISA SOMALILAND ,PHONE  0634426368.