Maxkamada degmada sheekh bilaa garsoore ah dadwaynaha Reer sheekh oo la,wax tuuga ka xukuma.

0
125

Sheekh(Waaheen)Maxkamada degmada sheekh ayaa albaabadu laabanyihiin ka dib markii Gudoomiyihii hore ee maxkamada Degmada Sheekh shaqadii laga joojiyay,waxaana guud ahaan ba taagan shaqadii ay maxkamadaasi dadwaynaha u qabanjirtay,iyadoona ay hada jiraan dad saldhigyadaas ku xidhan oo loo la,ayahay cid xukunta ama u garsoorta.

Ma hayno meel aanu gayno shidaalka adigaa iska bixanaya oo Berbera ayaanu u gudbinaynaa,sidaas waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha Booliska Degmada sheekh oo la hadlaaya qof dhibane ah oo doonaya in garsoor uu helo isla markaana doonayay qof uu dacwaynayay maxkamad laysku geeyo.
sidii Gudoomiyihii hore shaqadii looga joojiyay ma jirto cid wax xukumaysaa”sidaa waxa tidhi Muwaadinad kale oo reer shiikh ah oo ka hadlaysa Maxkamad la,aanta ka jirta Degmada sheekh.