Faraqa u dhexeeya wakhtiyada dhalashada iyo wakhtiyada dhimashada. W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
79

waxa jira  kala duwanaansho wayn oo u dhexeeya wakhtiyada dhalashada iyo dhimashada waa aynu faraxnaa marka laynoo dhasho, waana aynu murugoonaa marka laynaga dhinto waxaana jira faraq wayn oo u dhexeeya labadaas wakhti waxaana ay  kala yihiin sidatan:——————————

 

DHALASHADA: dhalashadu waa wakhti ka mida wakhtiyada waalidku ku farxaan inay helaan awlaad,Noloshooduna ay ku soo biiraan awlaad aanay hoe u haysan  waa wakhti farxad wayn la dareemo marna qof ku soo biiro qoys, waa wakhti dadku soo dhaweeyaan qofkasta oo dhasha ama wiil ha ahaado ama gabar , waana wakhti, qofka dhashaa aanu  aanu adduunka waxba ka ogayn waxaanu dhashaa qofkasta isagoo qaawan oo ooyaya caqli iyo cilmi toona  aan lahayn, Laakin ALLAH uu qoray wakhtiga uu noolaanayo iyo irsiqiisa marka uu dhasho/dhalato wuu koraa waanu waynaadaa waa haddii ALLE scw daayo, waxbuu bartaa , wuu guursadaa/guursataa  Waxna/  wuu/way  dhalaa/dhashaa waxaanay adduunka ka galaan heer waa  haddii ALLE uu siiyo caafimaad iyo cimir dheer   ama wuxuu noqodaa/noqotaa qof qiimo leh oo cidkastaa ku xisaabtanto oo mustaqbal wanaagsan leh ama wuxuu noqdaa/noqotaa  qof nolosha ka dhacay oo aan lagu xisaabtamin .

waxaad markasta mahad leh ALLAH  oo adduunkan ina keenay runtii cidkasta oo adduunkan ku dul nooli waa ay kala duwan tahay nolol ahaan iyo dhaqan ahaan diin ahaan iyo dadnimo ahaanba, kaba soo qaad kuwa meel ku wada nool oo ay noloshoodu kala duwan tahay waxa jira dad aan adduunkan nasiib  ku yeelayn inay ku noolaadaan iyagoo caafimaad qaba , laxaad qaba , ama maankooda iyo maskaxdooduba dhantahay , waa nasiib haddii aad adigu heshay laxaad , maskax, iyo caafimaad , waxaad markasta caawisaa , taageertaa oo aad garab siisaa kuwa aan haysan caafimaad , laxaad iyo miir toona taasi waxay noqonaysaa sadaqo aad kala baxday naftaada adoo ku deeqaya kuwa aan naftoodu dhamayska ahayn waxaanay kuu horseedi kartaa u dhawaanshaha ALLAH, waxa jira dad badan oo nimcada alle siiyay aan ogayn qiimaheeda laakin garta maalintay wax si ka noqodaan, INSHA ALLAH waxaan idiin rajaynayaa inaad noqotaan kuwo adduunka kaga jira baal dahaba laguna xisaabtamo noloshooda ku ganacsan.

 

DHIMASHADA : dhimashadu waa xaq oo ALLAH ayaa  inoo sheegay waa marka qofku dhimanayo dibna ugu laabanayo ALLIHii abuuray SWC ,  waa la dhimanayaa waana  mid qofkastaa dhadhamin doono ama  dareemi doono  naxdin iyo qiiro marka aynu aragno geeri ,  waa mid aynaan  ogayn wakhti  la dhimanayo waa mid aynu ogany in la dhimanayo  maalmihii aynu dunida dhex joognay  laakin aynaan garanayn wakhtigeeda , dhimashadu waa mid qofkastaa arki doono isagoon ogayn ama aan u diyaar garoobin inuu dhiman doono,  hadaba maxay u baahan tahay dhimashadu , waa aynu ognahay in la dhimanayo oo shaki kuma jiro in la dhimanayo laakin maxaa laynooga baahan yahay qofkastaa haddii uu safar u baxayo wuxuu sii qaataa  dhamaan wixii safarka uu isticmaali lahaa oo dhan haday tahay biyo iyo haday tahay cuntaba hadaba maxaa kaaga qorshaysan safarka aakhiro ee aad u dhaxaynaysid JANO IYO CADAAB waa safar u baahan dadaal badan , soo jeed badan , qalbi nadiiifa oo adeecsan ALLAH waa safar u baahan in si adag loogu diyaar garoobo oo qofkasta ku dadaalo inuu helo janatul fardawsa lana yimaado camal wanaagsan oo ALLAH raali ka  yahay, waa safar aynu doonayno in aynu raali galin doono ALLAH.

waxan leeyahay aynu u diyaar garawno dhimasho mar hadaynu dhalanay dhimashadana aynu uga sii diyaar garawno inaynu noqono kuwo ku dhinta camal wanaagsan iyo acmaal wanaagsan iyo in ALLE inagu daro kuwa naarta laga xoreeyay.

Adduunku sidiisaba waa laba ayaamood waana maalinta aad dhalatay iyo maalinta aad dhimanaysid  sidaa daraadeed waa ay noo dhaaftay dhalashadiiye waa inta maanta noole aynu u diyaar garawno  dhimasho  waayo mar hadaynu dhalanay waxa ina sugayaa waa dhimashadii ALLE inoo sheegay markaa waa in aynu waysada ka buuxsanaa camal wanaagsan.

 

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319

Berbera

Facebook: https://www.facebook.com/rakad.sultan?fref=nf

Skype: Farxaan.mxd

Social activist

Post number: 129