Maahmaahyada saddex leyda…Q…2aad W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
88

Saddex baa Ragga ugu liita

  • Tolkii cay
  • Taagtii kibir
  • Tarankii la colow

Saddex baa Raggu wadaagaan

  • Magaca
  • Magta
  • Muuqa

Saddex wer-wer bay kugu dishaa

  • Faras xun
  • Naag xun
  • Hoy xun

Saddex lalama coloobo

  • Nin codkaaga yaqaan
  • Nin cagtaada yaqaan
  • Cin cidaada yaqaan

Saddex laysma siiyo

  • Sawjad uu nin xareystay
  • Sac sabool u irmaan
  • Abuur caadil ku siiyay

Affo dumar waa saddex

  • Kuu toosa
  • Kula toosa
  • Kaadi la toosa

Saddex kuma daryeesho

  • Dumaal haween
  • Doqon
  • Dal shisheeye

Saddex wey ku huddaa

  • Hadh arooryo
  • Hogol xagaa
  • Hilaac basari

Saddex baa bulshada cuqubeysa

  • Boos goblomay
  • Bikrad guumawday
  • Bidaar caydhi hayso

Saddex saddex ma dayso

  • Dumar sheeko ma daayaan
  • Raggna guure ma daayaan
  • Libaaxna boodo ma daayo

Saddex saddex bay ku bartaa

  • Beentu faankay ku bartaa
  • Baryaduna fadhigay ku bartaa
  • Baahiduna ducaday ku bartaa

Saddex laguma galo

  • Gaajo guri og
  • Dardaro garab og
  • Gabow geeri og

Saddex baa ragga u sii daran

  • Taada ma yeele
  • Tiisu kuma bixiso
  • Tuu keenana kuma deeqdo

Saddex dumarka laguma galo

  • Ma hoyato
  • Ma hadhsato
  • Ma hamido

Saddex saddex maaha

  • Hilib sooryo maaha
  • Doqoni sokeeye maaha
  • Suugaani hadal maaha

Saddex ilaahay wuu awoodaa, kaamase yeelo

  • Guursan maayee hay goblansiin
  • Xoogsan maayee xoolo I sii
  • Ku caabudi maayee hay cadaabin

Saddex weligaa ma gaadhid

  • Nin kaa faras wanaagsan maalin ma gaadhi
  • Nin kaa maal badan sannad ma gaadhi
  • Nin kaa naag wanaagsan weligaa ma gaadhid

Saddex saddex waa u abaar

  • Dumar abaartood waa ubad la’aan
  • Rag abaartood waa arrin la’aan
  • Geel abaartii waa ilko la’aan

Saddex faa’iido ma leh

  • Onkod xagaa
  • Irmaan dameeraad
  • Arrin colaadeed

Saddex fulaynimo ayaa leh

  • Kaw-kaw hadalka loo yidhaa
  • Kalaf kalaf loo socdo
  • Kadlo wax loo cuno

Saddex way gaboobaan

  • Cod wanaagsan
  • Timo wanaagsan
  • Weji wanaagsan

Saddex aamuskay ku wacan tahay

  • Marit
  • Gabadh
  • Amuume

Saddex fadhigay ku wacan tahay

  • Marwo
  • Suldaan
  • Geel xereed

Saddex reer laguma dhaqo

  • Rixin goys
  • Rogrogis la’aan
  • Raali la’aan

Saddex waa laga tagaa

  • Gob cadhootay
  • Gun kibirtay
  • Gole ceebeed

Saddex bay ahaayeen dumarkii hore

  • I dheh aan dhegaystee
  • Ii dhiib aan kuu dhaqee
  • Iga dhal aan dhunkadee

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

Tix-Raac:

maahmaahyada saddexlayda ah……………………… Jaamac Biixi Muuse