Madaxweynaha Puntland oo Sheegay in uu Taageersan yahay in Gobolka Sool Afti laga qaado Ciida ay Raacayaan Somaliland iyo Puntland.

0
65

 

“Anigu waxaan ogolahay in Afti laga qaado dadka reer laascaanod oo la waydiiyo  Ma Somalilandbaad rabtaan mise Puntland laakiin siilanyo Raali kama noqonayo”Madaxweynaha Puntland.

 

Hargeysa(Waaheen)  Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed  ee Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa Markii ugu horeysay Sheegay in uu Diyaar u yahay in Dadka Reer  Sool laga qaado afti ku saabsan Somaliland iyo Puntland kay raacayaan, isla markaana  Haddii ay somaliland raacan uu soo dhaweynayo Basle waxa uu sheegay in aanay Somaliland Arrintaasi iyadu raali ka ahayn.

Waxa kale oo uu ka hadlay halka ay ku dambeeysay Hanjabadiisi ahayd in aanay gacanta Puntaland  Laascanood kaga bixin faataxo isla markaan uu awood ku soo celindoono  haddii uu madaxweyne ka Noqdo Puntland.

Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu u warameyey Telefeshinka Afka Somaliga ku hadla ee la yidhado Somali Channal TV.

Madaxweyne Gaas yaa ugu horeyn la waydiiyey  madaama uu markii oloolaha Madaxtinimada Maamulkiisa ku jiray ku dhaartay in uu Dib ugu soo celindoono Gacanta Puntland Laascanood oo uu hore u sheegay in aanay Laascanood Faataxo ku taggin kuna soo noqondoonin Faataxo balse uu awood ku soo celindoono halkii ay ku danbeeysay Hanjabadiisu waxanu yidhi. “Aniga  Cabdiwali Ahaan Puntland ma dhisin ee waxan u imid iyada oo dhisan oo aan madaxweyne u noqday laakiin Laascanood Dasturka Puntland ee aan ku dhaartay ayey ka mid tahay sidaasi daraadeedna inta Maamulka Puntland aan madaxda ka ahay  gacantayada waan ku soo celinayaa Laascanod mar labbadna waan kugu celinayaa hadalkaasi”Ayuu yidhi Gaas.

Cabdi wali Cali Gaas ayaa la waydiiyey Madama dadka reer Laascanood aan awood lagu haysan oo calanka Somaliland uu ka babanayo Laascaanod sababta uu ugu diidan yahay Masayrkooda ay ku doorteen in ay Somaliland ka mid noqdaan? Waxaanu kaga jawaabay “Anigu waxaan ogolahay in Afti laga qaado dadka reer laascaanod oo la yidhaahdo Ma Somalilandbaad rabtaan mise Puntland anigu arrintaasi Raalibaan ka ahay laakiin siilanyo raali kama noqonayo.”Ayuu yidhi Madaxweyne Gaas.