Safiirka Wareega ee Xisbiga Waddani Marwo Suhuur oo Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ku Cambaareysay Iibinta Xarunta Akhriska ee GANDI

0
156

suhurHargeysa(Waaheen) Safiirka Wareega ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ahna Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee  Waqooyiga Ameerika Marwo Suhuur Xassan Abiib ayaa Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliishay Tallaabadii ay ku Iibisay Xarunta Akhriska ee Gandi Liberiry ee Magaalada Hargeysa.

Waxaanay nasiib darro ku tilmaantay in Xukumada Madaxweyne Siilaanyo markii ay Hantidii Qaranka ay wadda iibisay ay haddana u soo dhigtay Xarumihii Akhriska ee Halyeyada Somaliland loogu magacdaray.

Marwo Suhuur Xassan Abiib Sidaasi waxay ku sheegtay Qoraal kooban oo ay soo gaadhsiisay Waaheen.

Waxanay tidhi. “Runtii Waxaan la yaabay Markii aan maqlay in Dawlada Siilaanyo ay iibisay Xaruntii Akhriska ee Gandi Liberiry oo loogu magic daray Halyey Somaliland Magacweyn ku lahaa oo Runtii wixii uu Somaliland u qabtay qof walba oo reer Somaliland ahi garanaayo, basle maanta loo Quudhiwayey in magiciisa magaalada Hargeysa ka dhex muuqdo waa nasiibdaro, waa ceeb in dadkeena magaca leh in maanta aynu magacooda baabiino, Xukumada Siilaanyo markii ay dhamesay dhulkii kale , ayey dhulkii danta Guud ahaa u soo dhigtay oo waliba ah meelihii ay dhalinyaradu wax ku akhrisanayeen, Ma maanta waxa inoo dawlad ah, dawlad a ka xishoonwayday Dhalnyaradeedii ee meeshii ay waxa ku akhrisanayeen tidhi waxaanu ka iibinaynaa Ganacsade, anigu waxaan leeyahay Dawladani waxay u jeedo garan maayo, magaca GANDI ma ah mid dhayal lagu qarin karo ama lagu baabi’in karo, basle ciida magaca Gandi baabi’I isleh iyada magaceedu baabi’i doona.”Ayey tidhi marwo Suhuur.