Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Madaxtooyada oo kulan Qarsoodi ah la Yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Faysal Cali Waraabe

0
114

 

Kulankan ayaa lagaga wada Xaajoonayay sidii loo soo xero gelin lahaa Cali Khaliif Galaydh

 

sdfasdfsdafsHargeysa (Waaheen) Wasiiro ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye ayaa Shalay Aroortii kulan qarsoodi ah oo aan u jeedadiisa la garanaynin la yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali waraabe.

Warar aanu ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa waaheen u sheegay in kulankaasi uu ka dhacay Huteel Maansoor ee magaalada hargeysa, kulankan ayaa waxa uu ahaa mid mudo saacado ah socday Xubanaha Dawlada ka socday ayaa kala ahaa  Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis  iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan Waxaanay wararku sheegayaan in Faysal Cali Waraabe kala hadlayeen Arrinta  Cali khaliif Galaydh oo Mudooyinkii u danbeeyay la sheegay inuu uu  ku Hawlanaa siduu u soo xero gelin lahaa, isaga oo Faysal uu si shakhsiyan ah u doonayey in Cali Khaliif ugu qanciyo in uu dhulkiisa Hooyo ee Somaliland dib ugu soo noqdo, Haddaba Xubnahan Wasiirada ayaa la sheegay in ay kala arrinsanayeen  hanaankii Wadda Hadal Xukumadu ulla furilahayd Cali khaliif iyo dariiqii loo mari lahaa.

In kastoon si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen Xubanahan wasiirada ah Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa dhanka kale Faysal Cali waraabe wuxuu dhawaan ka soo laabtay Dalka Kenya iyadoo uu ku sugnaa Cali Khaliif Galaydhana waxaanay u muuqataa in xukuumadu ay awooda saarayso sidii ay Faysal Cali Warabe ugu adeegsan lahayd soo xero gelinta siyaasiga dibad wareega ah.

Dhinaca kale Siyaasi Cali Khaliif Galaydh Maalintii uu ka  Dhoofin Magaalad Buuhoodle ayaa u muuqday nin sidii hore ee uu Somaliland ku ahaa ka soo dabcay isaga oo aan maalinta waxa dhaleeceyn ah u jeedin Somaliland halka uu Cambaareyn kulul u diray Dawlada Cabdiwali ee Puntland isagoo ku eedeeyay inay faro gelin qaawan ku hayso maamulkiisa.