Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Madaarka Cigaal ka Bilowday Baadhitaan, dadka soo galaya dalka laga baadhayo Cudurka EBOLA.

0
89

“Waanu leenaha awood aanu ku xaqiijin karno cida uu xanuunku hayo.” Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

aaaHargeysa ( Waaheen) Wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed ayaa maanta madaarka magaalada hargaysa ka bilawday baadhitaan dadka madaarka ka soo daga lagaga baadhayo xanuunka halista ah ee EBOLA.

hawshan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Caafimaadka iyo Duulista iyo Hawada ayaa maanta laga bilaabay madaarka Egal, iyada oo la baadhay dhamaan dadkii maanta ka soo degay madaarka.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr: Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo hawshaasi kormeeray ayaa laanta afka Soomaaliga a ee Idaacada VOA uga waramay Shaqada ay maanta halkan ka bilaabeen waxaanu yidhi “ diyaar garawga aanu wadnaa waxa weeye 53 goobood oo dalka laga soo galo oo Cirka,Dhulka,Badaba ah dhamaan goobahaasi waxaa naga go’an in aanu dhigno shaqaale tabaabran iyo qalabkii wax lagu baadhayey ee lagu hubinayey Caafimaadka Dadka wadanka soo galaaya madaarka ciagaal oo ah goobta ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo maanta shaqadu way ka socotaa, xadka wajaale oo ah goob iyana si weyan looga soo galo, iyana maanta ayaa la dhigayaa, shaqaalihiina way jogaan, 53 gooboodba waxa aanu rabnaa in aanu sida ugu dhakhsaha badan shaqaale tababaran iyo qalabkoodiiba u dhigno,”

“Si aanu uga hortagno ugana taxadirno in Cudurkaasi uu wadanka soo galo, sidoo kalena Wasiir Saleeban waxa uu ka hadlay tayada iyo awooda qalabka ay wax ku baadhayaan, qalabka aanu wax ku baadhaynaa waa qalab runtii sheegaya in qofka xumadi ay hayso, maaha qalab sheeya in qofka Cudur hayo hadii markaa uu qofka heer kulkiisu kacsan yahay qofka dhinac ayaa loo duwayaa markaas ayaa baadhitaan dheeraad ah lagu samaynayaa, hadii uu qofku yeesho calaamadihii Xanuunka talaabada ku haboon ayaa laga qaadayaa, hadii kalena waxa uu sii wadanayaa safarkiisa.”

Wasiirka Caafimaadka yaa sidoo kalena intaasi ku daray “Waanu leenaha awood aanu ku xaqiijin karno cida uu xanuunku hayo diyaarna waanu u nahay najiito kasta oo baadhitaanada aanu wadno ka soo baxda.”

“ Xanuunkani waa Xanuun xun boqolka qof ee uu ku dhacana sideetan ka mid ah ayuu dilaa, ilahay inaguma keenee waad garan kartaa culayskiisa iyo dhibtiisa, Xanuunkani Dalkeena ma soo galin Ilaahayna inooma soo galiyo, wadamada dariska ahna qaylodhaani kama jirto, waxa aanu wadnaa uun waa taxadir iyo wacyi galin.” Ayuu yidhi Dr. Saleebaan Ciise Axmed.