Wasaaradda Duulista Somalilad Oo Ka Hadashay Dabdamis 2-aad Oo Ay Keentay Madaarka Cigaal

0
104

Hargeysa (Waaheen ) Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa ka hadashay gaadhi cusub oo dab-damis casri ah oo loo soo iibiyey Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa.
War Saxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddam Maxamed Axmed oo laga hadlay dabdamiskan ayaa sidoo dhamayn tiran u dhignaa sidan:-
War Saxaafadeed
“ Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd sare u qaadida amaanka, iyo tayeynta badqabka Madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport ayaa keentay Dab damis labaad oo tayadiisu ay sarayso.
Gaadhigani dabdamiska ah, oo ah nooca loogu tallo galay in lagu bakhtiiyo wixii dab ah ee ka kaca Diyaaradaha madaarka adeegsada iyo dhismayaasha Madaarka ayaa hada soo gaadhay Garoonka Cigaal, isagoo bilaabay shaqadii loogu tallo galay.
Dabdamiskani oo darajadiisu tahay Heerka Sagaalaad (Category 9 Rescue) ee gaadiidka la dagaalama dabka, iyo mid kale oo Xukuumadda Somaliland hore u soo iibisay lana soo bandhigay Bishii Sideed ee sanadkan, ayaa waxa ay wax weyn ka tari doonaan baahihi weyn oo Madaarka Cigaal uu qabay sare u qaadida Badqabka Garoonka, iyaga oo geesta kalena kordhindoona Dajrada madaarkeena ee qiimaynta Hay’ada ICAO.
Sidoo kalena Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa wada tababaro lagu tayeynayo hawladeena la tacaalida dabka, tababaradaas oo looga danleeyahay in sare loogu qaado aqoonta ay shaqaalahaasi u leeyihiin la dagaalanka dabka, iyo adeegsiga gaadiidka casriga ah ee la keenay.”
ALLA MAHAD LEH.