Midowga Yurub iyo Baanka Adduunka oo Dalalka Geeska Afrika ugu deeqay Dhaqaale dhan €8 Bilyan

0
109

Bankiga_Dunida_Somalia_Deeq_LacageedHargeysa(Waaheen) Bangiga Adduunka,  Bangiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub ayaa 8-billion oo Doollar u ballan-qaaday dalalka ay dhibaatooyinku ka jiraan ee Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters.

Dalalka lacagtan wax looga qabanayo ayaa waxaa ka mid ah Kenya, Ertirea, Somalia, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo xubnuhu ay sheegeen in dalalkan ay qabaan dhibaato dhinaca faqriga ah.

Lacagtan ayaa wax looga qaban doonaa dib u dhiska, caafimaadka waxbarashada, shaqo abuurista iyo tababarrada shaqaalaha dhowrka sano ee soo socoda.

“Waddamada Geeska Africa ayaa waxaa saameyn ku yeeshay colaadaha ka jira iyo faqriga oo gun-dhig u ah dagaallada dalalkan qaarkood ka dhacay,” ayaa lagu yidhi warbixin ay hay’adahan si wadajir ah u soo saareen.

Sidoo kale, bangiga hormarinta Islaamka ayaa ballan-qaaday lacag gaaraysa hal bilyan oo doollar, taasoo wax looga qabanayo horumarinta dalal ay ku jirto Somalia, ayna ku jiraan Uganda iyo Koonfurta Suudan.