Gudoomiye Cirro oo Golaha Wakiilada Dib u fasaxay Xukuumadana ku Eedeeyay Inay Faro Gelin qawan ku hayso

0
79

 

“Fara-gelinta Golaha ee Xukumadu kuma Cusba, Tii horena way soo faro galisay, Tana Waydinkaa Arkaya Faragalinteeda” Cirro

 

Hargeysa(Waaheen) Fadhi aan Caadi ahayn oo Gudoomiyaha Wakiiladu iskugu yeedhay Mudanayaasha kuna mudaysnaa Axadda shalay ayaa baaqday ka dib markii Xildhibaanada Muxaafadka ahi ka muquurteen, Kooramkuna buuxsami waayay.

Labaataneeyo Xildhibaan oo ka mid ah Mucaaradka iyo dhawr Muxaafadka ka tirsan ayaa soo fadhiistay Fadhiga shalay oo ay goob joog ka ahaayeen Guddiga doorashooyinka Qaranka oo diyaar u ahaa in la Ansixiyo balse Fadhiga ayaa xidhmay markii Kooramku buuxsami waayay.

Gudoomiyaha Wakiilada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xildhibaano Muxaafad iyo Mucaarad ah oo waajibkooda qaran gudanayaa yimaadeen “Xildhibaanada Yimid oo Mucaarad iyo Muxaafad ba iskugu jiraa waa kuwo waajibkooda Dastuuriga ah guddanaya, Xildhibaanada Naga maqana waan ka xumahay inay naga maqnaadaan oo maqnaanshahooda fadhigu u qabsoomi waayo, sidaas darteed Kalfadhigii aan caadiga ahayni sidaas buu ku dhamaaday waxaanu isku soo noqonaynaa Kalfadhiga Caadiga ahi 8-da bisha 11-aad” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo saxaafaddu waydiisay waxa uu kala socdo Shir doceedyo Madaxtooyadu la yeelatay Mudaneyaasha Muxaafadka ah oo lagu guubaabiyay inaanay Kalfadhiga aan caadiga ahayn ka qayb galin waxa uu ku jawaabay “Waxay ila tahay Dastuurkeenu si cad buu u qeexayaa inaanay is faro galin Karin Sharci dejinta,fulinta iyo Caddaaladdu,markaa Golahan fara galinta Xukumadduhu kuma Cusba, tii horena way soo faro galisay, tana waydinkaa arkaya faragalinteeda laakiin, mudanayaasha ayuun buu xilku saaran yahay, waxaanan u soo jeedin lahaa in Golaha Sharaftiisa iyo Karaamadiisa ilaalino waajibka dadku inoo doortayna fulino”

Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in Arintani keenayso dib u dhac ku yimaada doorashada badhtamaha sanadka dambe ku muddaysan “In Doorashada ay dib u dhigayso arintani waa Marag ma doon, imbadan baanu lahayn doorashada dib loo dhigayaa oo caqabado badan baa jira, markaa waa in Shacbigu indhahooda furan, intana ka mid tahay caqabadihii dib loogu dhigayay Doorashada iyo diwaangalinta, waayo Hay’adda Komishanku waa Hay’addii ka masuulka ahayd doorashada markaa haddii aynu iyadii diidno doorasho ma dhacaysaa bal idinkaan idin waydiiyaye? Ayuu yidhi Mr Cirro.

Gudoomiye Cirro waxa uu sheegya in Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Muxaafadku u keeneen Warqad ay ku codsanayaan in Xeerka Diwaangalinta dib loo eego balse aanay ku saabsanayn Mawduuca uu ku saabsanaa Fadhiga Maanta iyo bari.

Xildhibaano u hadlay Muxaafadka ayaa sheegay inaanay imanayn Fadhiga Golaha ilaa dib loo saxo qodobo Gudoomiye Cirro ku daray Xeerka diwaangalinta,qodobadaas oo aanay ansixin wakiiladu.