Xisbiga Ucid Oo Xilal Cusub Magacaabay

0
146

UCID-logo1-300x180 Hargeysa(Waaheen) Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID Eng, Faysal Cali Waraabe,Waxa uu Magaabay xilalka Banaan Qaarada Yurub Markii ay u soo jeediyeen Gudidda Yurub iyo Maamulka Jarmalka ee Xisbaga UCID  markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Lana Buuxiyo Jogooyinkaa Banaan

Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 26/10/2014 Waxa uu  Xisbiga UCID Magacaabay Xilalkan Hoos ku Qoran  :-

 

1. Gudoomiyaha Abaabulka Garabka Haweenka Xisbiga UCID Ee Qaarada Yurub

Marwo ,Zamiya Sheekh Cumar Xaaji Muuse

2.Gudooiyaha Xidhiidhka Guud Ee Dalka Jarmalka. Md, Jibrill Jamac Cilmi (Garneyl)

3. Wacyigalinta iyo Ololaha Xisbiga Ee Dalka Jarmalka. Md, Axmed Shooqi Cartan Yusuf

4. La-Taliyaha Gudomiyaha Dalka Jarmalka. Md, Axmed Cumar Dool

5. Khasnajiga Xisbiga Ee Dalka Jarmalka. Marwo,Muuna Maxamed

Daahir

6. G/Ku- Xigeenka Gobolka Hessen Ee Dalka Jarmalka. Md,Xasan C/raxman Xasan

7. Gudomiyaha Xisbiga Ee Nordrhein Falen Ee Jarmalka. Md, Xussen Aaden Keyse

8. G/ Garabka Haweenka Xisbiga UCID Ee Rhineland-Pfalz-Ee  Jarmalka . Marwo,Ayaan                            Cabdilaahi Cabdi

Isla markaana Dhamaan waxa la farayaa Masuuliyiintaa kor ku xusan in ay hawshooda si dhakhso ah u bilaabaan kana soo baxaan waajibaadka loo igmaday.

Masuuliyiinta Xisbiga Ee Qaarada Yurub Iyo Wadanka Jarmalkuna Si Fiican ha Ula Shaqeeyaan

Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu  u fuduudeeyo hawsha loo magacaabay.

 

ALLA                         MAHAD                       LEH

Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Eng, Faysal Cali Waraabe _______________________