Wasiirku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland oo Saddex Sanno la Xukumay, iyo Qareenkii u doodayey oo Ganafka ku dhuftay.

0
69

wasHargeysa (Waaheen) Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta Xukun Saddex Sanno ah ku riday Wasiirku-xigeenkii Amniga Cabdilaahi Abokor Cisman, waxa kale oo ay hal sanno ku xukuntay Ilaaliyihiisi Gaar ka ah oo la yidhado  Saleeban Cumar Gulleed.

Fadhiga Maanta ee Maxkamada ayaa ahaa mid aan loo ogoleyn Warbaahinta iyada Maxkamada ay ku wareegsanyeen Ciidaamo baddan oo RR-da ah, waxaan gabi ahaan Xidhnaa Waddooyinka soo Galla maxkamada Hargeysa.

Markii Xukunka lagu dhawaaqay Maxkamadiina Xidhantay ayaa waxa nooga waramay Sida u xukunku u dhacay Qareenkii u doodayey Wasiirku-xigeenka  oo la yidahdo Garyaqaan Foosi Sheekh Yoonis Xassan waxaanu Xukunka Saddexda Sanno ku tilmaamay in uu ahaa Mid siyaasadeysan oo dabbada laga riixayey, isaga oo Ganafka ku dhuftay Xukunkaasi sheegayna in uu ahaa mid cadaalad ka foog.

Foosi waxa uu sheegay in ay isla Fadhigii Maxkamada ku qaateen Rafcaan  waxa kale oo Xukunka halka sanno ee lagu xukumay Ilaaliyihii Wasiirka ku tilmaamay in aanu isaguna uu cadaalad darro ahaa.