Wasiir ku-xigeenkii Amniga ee xidhnaa oo xabsiga Hargeysa ku dhex Dilay Maxbuus Wasiirka Madaxtooyadda walaalo yihiin

0
91

Hargeysa(Farriinnews.com) Wasiir ku-xigeenkii Amniga ee ay Xukuumaddu xidhay ayaa Xabsiga dhexe ee Hargeysa ku dhex Dilay Maxamuud Cali X Xasan kaasoo dhawaan laga soo xidhay magaaladda Burco barrigeeda oo uu Odayaal ku dhaawacay.
Wasiir ku-xigeenkii Amniga C/laahi Abokor ayaa lagu waramayaa in uu Maxbuuskan Dilay isagoo la hurda Qolka uu xabsiga kaga jiro, halkaas oo la sheegay inay ku wada xidhnaayeen, waxaanu Dilka Maxbuuska u adeegsaday Falaasado Shaah.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu qabo Maxbuuskan lagu dhex Dilay Jeelku, hase yeeshee ilo wareedyo la socday dhacdadan ayaa Farriinnews.com u sheegay in loola cararay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa si loo daweeyo.
Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga C/laahi Abokor ayaa muddo dhawr bilood ah ku xidhnaa xabsiga, waxaanay Maxkamadda Gobolku Dacwadiisa u dirtay go’aan, kadib markii ay dhamaystirtay dhagaysigeeda.
Maxbuuska kale ee uu dhaawacay ayaa ku xidhnaa in muddo ah magaaladda Burco, hase yeeshee waxa dhawaan loo soo wareejiyey Xabsiga Hargeysa, halkaas oo lagula xidhay Wasiir ku-xigeenkii Amniga qolkiisa.
Illaa hada Ciidanka Asluubta iyo Taliskoodu toona kamay hadal arrintan, waxaana dhawr jeer soo noq noqday falal danbiyeedyada Xabsiga ka dhex dhaca, kuwaas oo qaarkood na si dabiici ah u dhacaan, halka qaarkood na farsamo xumo ay u dhacdo.