Madaxwayne laba kala dooro korodhsimadad niyada ku hayso iyo musharaxnimada aad ku dhawaqda. W/Q Abdijibaar sheikh cabdilahi fartaag,

0
110

Somaliland waxay ku naalotaa nabadgalda oo ah tiirka nosha binu adamka waxa kale oo ay ku naalota habka iyo hanan ka doorashooyinka oo ay guulo badan kagaadhay,

inkasto ay doorashadii udanbaysay ee golaha deeganka ka tagtay mahadhooyin badan iyo fool xumo aad ubalaadhan, waxanay noqotay doorashadii kaliye ee aan lamahadin waxay noqotay oo kale doorashadii ugu horaysay ee sibadheedha boob iyo kushubasho loosameeyo,

lama ogayn tirada waraaqa lagu codaynayo waxanay ahayd in sedexda xisbi si uwada ogaadan nambarka waraqaa lagu codaynayo balse maydhicin taasi waana ta sababatay ilagushubto,

Madaxwayne laba kala dooro korodhsimadad niyada ku hayso iyo musharaxnimada aad ku dhawaqday hadii aad korodhsiimo samaynayso, musharaxnimada waa inaad uga tanaasusha kuwii kursiga kukeenay,

Madaxwayne waxaa lagu jahawareeray doorashadii uhoraysay ee aad qabatay naf iyo maalbana waynaga kasbatay,

Madaxwayne waxaa mudo dhaafay golayasha guurtida baarlamanka mudo kordhina wayheleen taas oo macnehedu noqonayo marhadad u mudo kordhinsisay adiguna waad ku talajirtaa,

Madaxwayne maxaad shicibka damaanad kasiinaysa inan dhiigdanbe ku daadan doorasho danbe oo aad qaban doonto,

Madaxwayne doorashoyinka soosocda ee aad qaban doonto intaad xilka hayso shicibku maxay ku aaminayan inaad doorasho xor ah oo xalaata uqaban doonto,

Qoraa madaxbanan

W/Q Abdijibaar sheikh cabdilahi fartaag