Feysal Cali Waraabe oo sheegay in uu wadahadal la furayo Cali Khaliif

0
142

“Dawladeenu furtay in Somaliya wadahadal lala yeesho, waliba marka wax la sheego ha la hubo ama yaan la hubine waxa la sheegaa Wasiiradeena qaarkood inay Xamar tageen”

 
“Cali Khaliif waa inankayagii waa aqoonyahankeenii waa la hadlaynaa anigaa la hadlaya, madaxweynahaa la hadlaya” Feysal Cali Wraaabe

 

asdfasdfasdfaysal iyo cali khaliifHargeysa(Waaheen) Musharax Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga UCID C/rashiid Xasan Mataan ayaa si jees jees ah uga jawaabay kulan warbaahinta Somaliya iyo Wargeyska Waaheen ka qoreen kulan Qarsoodi ahaa oo uu guddoomiyaha Xisbigooda Eng: Feysal Cali Waraabe kula yeeshay hotelka Heingways ee magaaladda Nairobi Raysl Wasaaraha Somaliya C/wali Axmed.
C/rashiid Xasana Mataan oo warbaahinta la hadlay ayaa isagoo ka jawaabaya warka warbaahintu qortay waxa uu kaga jawaabay “Wax kasta oo la sheegaa maaha wax jira oo la hubo, waxa loo baahan yahay in hubsiimadeeda la helo. Mida kale haddiiba uu la kulmay oo ay dhacday in uu la kulmay waxa weeyi in la helo wixii uu kala kulmay, waxaanse ku kalsoonahay Feysal Cali Waraabe nin uga kalsooni badan Somaliland inaanu jirin, mana aha nin looga baqayo caalamka iyo Somaliyaba in uu la hortagi karo qadiyada Somaliland wax ka duwan.
Waa tii la furay wadahadalka Somaliya ee dastuurka la furay ee waliba Dawladeenu furtay in Somaliya wadahadal lala yeesho, waliba marka wax la sheego ha la hubo ama yaan la hubine waxa la sheegaa Wasiiradeena qaarkood inay Xamar tageen, markaa wax kasta oo la sheegaa wax la hubo maaha, haddii ay dhacdayna in uu Feysal la kulmay Raysal wasaaraha waa in la hubsadaa wixii ka soo baxay.
Haddii Somaliya war ka soo baxay oo ay wax ka sheegeen waa halkeeda, laakiin anagu mar walba waxaanu ku kalsoonahay in qadiyada Somaliland tahay mid geed ka goa’n ah Feysal Cali Waraabana yahay ninka ugu kalsoonida badan Somaliland.” Ayuu yidhi C/rashiid
Hase yeeshee sida Waaheen wararka ku heshay waxa isa soo taraya in kulanka Raysal Wasaaraha iyo Feysal Cali Waraabe dhex maray yahay mid jira, waxaanay wararka ka soo baxaya dhacdadani sheegayaan in uu Raysal Wasaare C/wali shirar Qarsoodi ah oo kale kula yeeshay Hotelka uu degan yahay siyaasiyiin kala duwan, kuwaas oo uu ka mid yahay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya Nikolaz Kay iyo Madaxda Dawladda Kenya, kuwaas oo Casuumad rasmi ah u fidiyey Raysal Wasaaraha.
Kulamada Raysal Wasaaraha oo ahaa kuwo qarsoodi ah ayey adkayd in sawiro looga helo sidii uu Feysal Cali Waraabe ula kulmay Madaxda Somaliya wakhtigii loo kaxeeyey Wadahadaladii Ingiriiska, hase yeeshee ilo wareedka Xogtan aanu ka helnay waxa ay sheegayaan in uu Raysal wasaaruhu iska reebay wasiiro la socday safar uu ku tagay Bujumbuura, isla markaana ay ku wehelinayeen oo kali ah xoghayntiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah.

Sida lagu baahiyey Mareegta Caasimada.com ee Somaliya una sheegeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Somaliya
Waxay kulanka Raysal Wasaraaha Somaliya iyo ka Feysal Cali Waraabe ku tilmaantay kulan mar la arag ah oo qaali ah Halkan ka akhri http://caasimadda.com/cabdi-weli-oo-kullamo-qarsoodi-ah-ka-wada-nairobi-xilli-uu-taageero-badan-ku-lumiyey-heshiiskii-garoowe-khilaaf/.
Dhinaca kale, marka laga yimaado kulanka Raysal Wasaaraha iyo Guddoomiye Feysal waxa kale oo uu Guddoomiye Feysal kaga hadlay Golaha Falanqaynta Siyaasadda qaabka ay Somaliland u waajahayso baaqii wadahadal ee Cali khaliif ugu baaqay Somaliland, isagoo sheegay in uu isagu wadahadal la furayo, waxaanu yidhi “Cali Khaliif waa inankayagii waa aqoonyahankeenii waa la hadlaynaa anigaa la hadlaya, madaxweynahaa la hadlaya, hada ka horna waa is aragnay, anagu waxaanu jecelnahay qof oo reer Somaliland ah in la hagaajiyo. Somaliland la’aantii ma soconayso, isaguna Somaliland la’aanteed ma soconayo” ayuu yidhi Feysal
Kulanka uu Feysal la yeeshay Raysal Wasaaraha Somaliya iyo hadalkiisa uu wadahadalka kula furay Cali Khaliif iyo Jawaabta musharax ku-xigeenka Xisbigiisu ka bixiyeyba waxay u muuqdaan kuwo Siyaasadda Somaliland ee Arrimaha Dibeda ka dhigaya jaantaa rogan iyo fara ka bax aan itijaah lahayn.