Wasiirka Arrimaha gudaha oo warbaahinta Madaxa banaan ka hor istaagay Wacyigalinta Diiwaangelinta

0
24

Wuxuu hore ugu balanqaaday warbaahinta in uu Wacyigalinta Diiwaangelinta ku baahin doono
Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland banaanka ka dhigay hawlihii wacyigelinta Diiwaangelinta, isagoo ku koobay warbaahinta Dawladda oo kali ah.
Wasiir Warancade oo warbaahinta kula shiray Maan-soor wakhtigii Hindisaheeda la waday ayaa fagaare uga sheegay inay dhamaan Warbaahinta la macaamili doonaan isla markaana dhaqaalaha ku baxay u qorshayn doonaan, hase yeeshee wacadkaas waxa uu wasiir warancade si toos ah uga baxay kadib markii uu warbaahinta Dawladda oo kali ah si toos ah usiiyey dhaqaalihii ay ku baahinayeen barnaamijyada wacyigelinta ah, halka warbaahintii Madaxa banaanayd aanay illaa hada ka haynin wax qorshe ah Wasiirka.
Wasiir Warancade ayaa u muuqda in uu ka kaaftoomay warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, maadaama oo aanu illaa hada ku baahin barnaamijiyadii wacyigelinta Diiwaangelinta loogu talo galay, taasoo la odhan karo waa waxyaabaha ka dhiman in dadku helaan xogo ku filan Diiwaangelinta.
Illaa hada lama oga dhaqaalaha Diiwaangelintu qaabka uu u socda iyo cida lagala xisaabtamayo maadaama ay ku gedaaman yihiin duruufo badan oo ka soo if-baxaya nidaamka iyo qorshaha lagu wado kharashaadka lagu wado Diiwaangelinta.
Guddiyaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay hagida Diiwangelinta ayaa u muuqda kuwo sii shiiqaya kadib markii Wasiir Warabcade fara maroorsaday awoodahoodii loo magacaabay ee Diiwaangelinta, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in intooda badani aanay kaba soo xaadirin fadhiyada lagu maamulo Diiwaangeleinta, kadib markii ay quus ka istaageen laba gacmoodinta Wasiirka.