Duruqsi: Sariibada Magaalada oo laga iibiyay Ganacsade reer Burco ah‏

0
54

Dawladda hoose ee Degmada Duruqsi ayaa la sheegay in la iibiyay, taasoo laga faasaxay Ganacsade reer Burco.

Degmada Duruqsi oo hoostimaada Gobolka Togdheer, waxa beryahan dambe laga cabanayay Maamul xumo ragaadisay adeegyada aasaasiga ah.

Cabashada Bulshada sababtay in Maamulka Degmada lagu sameeyay la xisaabtan iyo baadhis ku socota ilaa hada, hase ahaatee waxa la sheegay in iyadoo baadhistaasi socoto uu Xoghayaha Degmadu iibiyay Sariibad qudha oo Magaalada ku taalay.

Sidaasi waxa Gobanimonews soo gaadhsiiyay mid ka mid ah Dadka Deegaanka oo arrintan si weyn u dhaleeceeyay.

Saleeban Cali Cabdi oo ka mid ah aqoonyahanka Deegaanka, ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyay Xafiiska Warqabadka ee Gobanimonews sidoo kale kaga hadlay maamul xumo iyo Musuqmaasuq wali ay ku kacayaan xubno ka mid ah Maamulka Degmadu.

Waxaanu yidhi “hadii aanu nahay wax-garadka,  aqoon yahanka iyo odayaasha degmada duruqsi, waxaanu si buuxda uga soo horejeednaa kawaankii degmada ama saribadii oo uu xog-hayuhu ka iibiyey ganacsade reer burco ah.

waxaan u sheegaynaa ganacsadaha iibsaday kawaanka inay

ka soo horeejaan bulshada ku dhaqan degmmdu, oo aanay marna aqbalidoon iibkaas uu sameyey xog-hayaha degmadu” waxaanu halkan baaq ugu diraynaa wasaarada arimaha gudaha iyo maamulka heer gobol ee togdheer oo aanu doonayno in ay si deg degd wax uga qabtaam arintaas foosha-xun ee uu sameeyey xog-hayuhu.

Ta kale waxa xog-hayuhu uu sifo qalad ah u is timaalay gaadhigii d/hoose ee degmada, kaas oo uu kireeyo, maalin dhawaydna u talaabay dhinac itoobya halkaas oo u saaray

qaadka ama jaad uu ka kereyey xilgii roobku uu dayay .

Jaadkaasoo uu geeiyay Tuulada Dhadhan-godan oo ku taal gudaha itoobiya. markaas waxanu leenahay xukumadda wax ha ka qabato wax dhacaya maalin kastaba.

 

salebaan abdi ali